Dufaanno Muran Ah Oo Ka Dhashay Ereyo Ku Qornaa Jaakad Ay Xidhnayd Marwada Koowaad Ee Maraykanka

19
2911

Washington (Geeska)- Marwada koowaad ee Maraykanka ayaa dhalleecayn kulul loogu soo jeediyey sababta jaakad ay xidhatay mar ay dhowaan safar ku tagtay xarumaha lagu daryeelo carruurta soogalaytiga ah ee waalidkood laga qaaday.

Xarunta ay booqanaysay marwo Melania Trump oo ku taalla gobalka Texas ee dalka Maraykanka waxaa lagu daryeelaa carruurta ay dhaleen dadka soogalaytiga ah ee sharciga uu Trump soo galay dartii loogu diiday sharciga dal-ku-joogga, laakiin carruurtoodu dhalashada ay ku dhasheen Maraykanka awgeed iyagu ku noqday muwaadiniin ay tahay in dawladdu daryeesho.

Melania ayaa la arkay markii ay diyaaradda u sii raacaysay Texas iyada ku labbisan jaakad dheer oo midabkeedu sibidhi yahay, oo dhabarka ay kaga qoran yihiin ereyo afka Ingiriisiga ah oo macnahoodu yahay, “Anigu runtii dan kama lihi, adigu miyaad danaysaa”

Melania Trump waxa ay u socotay qorshe ay doonaysay in ay dadka indhahooda ku tusto sida ay u danaynayso qadiyadda carruurtan dawladdu sida xabsiga u hayso, iyo in ay qadiyaddooda u soo jeeddo, laakiin ceebta ka soo baxday waxa ay noqotay in dad badani ay isku xidheen ereyada dhabarka ugu qornaa ee danayn la’aanta sheegaya iyo hawsha ay u socoto. Dhalleecaynta kulul ee ka dhalatay fahamka laga qaatay qoraalkan ee ah in ay si dadban u sheegayso in aanay dan ka lahayn cidda ay ku socoto oo dabcan carruurtan ayaa gaadhay heer ay marwada koowaad ka aamusi kari weyday. Stephanie Grisham oo ah afhayeenka Marwo Melania Trump ayaa bartiisa twitter ka ku faafiyey jawaabta dhalleecaynta loo jeediyey marwada, “Ma’ jiro wax macno ah oo ku qarsoon ereyada ku qoran jaakadda Marwada koowaad. Waxa aanay warbaahinta ugu baaqaysaa in baahintooda ay xoogga ku saaraan dadaallada ay waddo ee lagu caawinayo carruurta soogalaytiga, oo aanay isku mashquulin dharka ku jira kabadha dharka ee marwada” ayaa uu qoray afhayeenku.

Dhalleecaynta ka dhanka ah marwada koowaad oo si kulul uga socota warbaahinta dalka Maraykanka ayaa kalliftay in aanu Guriga Cad ku kaaftoomin jawaabta afhayeenka. Madaxweyne Trump ayaa bartiisa twitter ka ku qoray, “Ereyada ku qornaa marada Melania waxa ay ku jihaysan yihiin wararka been abuurka ah ee ay warbaahintu gudbiso. Melania waa ay fahamsantahay in heerka ay warbaahintu u baahan tahay hufnaan, sidaa awgeed arrintani wax warwar ah kuma hayso”

Si kastaba ha ahaato ee arrinta kale ee xoojisay dareenka ah in Melania ay ujeeddo ka lahayd xidhashada maradan ayaa ah, in markii ay gaadhay xarunta carruurta lagu hayo, intii aanay iska bixin ay iska beddeshay jaakaddan oo ay xidhatay mid kale oo midabkiisu kaaki yahay, wax qoraal ahna aan lahayn. Haddana mar kale markii ay ka soo baxday xaruntan ee ay dib ugu soo safraysay Washington ayaa ay xidhatay isla jaakaddii hore ee qoraalkan dhabarka ku lahayd.

Warbaahinta oo aad u faallaysay iyo dad ka arrimahan gorfeeyey ayaa marwada ku dhaliilay in ay muujinaysay dareen ah in aanay ka xumayn sharciga odaygeedu soo saaray ee kala kaxeeyey ubadkan iyo waalidkood, sidaa awgeed ay uga jeedday ereyadan muujinaya in aanay dan ka lahayn, weliba ay is weydiinayso sida ay ku dhacdayba in ay jiraan dad danaynaya arrimihaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here