Dubai Oo Samaysatay Far Kombiyuutar Oo U Gaar Ah, Xafiisyada Dawladdana Qasab Kaga Dhigtay Isticmaalkeeda

0
643

Dubai (Geeska)- Imaaradda Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa ku guulaysatay in ay samaysato far kombiyuutar oo u gaar ah. Fartan oo dadka magaaladan iyo guud ahaan dunidaba kalaba ay isticmaali karaan ayaa soo jiidatay indhaha dad badan oo dalxiisayaal ah iyo dadka shaqooyinka kala duwan u yimaadda Imaaraadka Carabta.

Golaha Fulinta ee Imaaradda Dubai ayaa si rasmi ah u shaaciyey fartan cusub oo loo bixiyey Farta Dubai ‘Dubai Font’, waxa aanay sheegeen in ay noqonayso summad lagu yaqaanno magaaladan iyo calaamad muujinaysa heerka ay tiknoolajiyadda ka gaadhay.

Imaaradda Dubai waxa ay nashqadaynta iyo abuurista fartan la kaashatay labada shirkadood ee waaweyn ee Microsoft iyo Monotype. Dhaxalsugaha Imaaradda Dubai Sheekh Xamdaan Bin Muxammed Bin Raashid Aala-maktuum isla markaana ah guddoomiyaha golaha fulinta ee Imaaraddan ayaa bogga uu ku leeyahay barkulanka bulsho ee twitter ka waxa uu faafiyey Fiidyow sharraxaya tallaabooyin fudud oo qofka tusaya sida fartan loogu shubanayo kombiyuutarka iyo qaab-isticmaalkeeda. Waxa uu Amiirku Imaaradaha kale ee dalka Isugtagga Imaaraadka Carabtu ka kooban yahay iyo dawladda dhexeba ka codsaday in fartan loo aqoonsado farta rasmiga ah ee dalka oo dhan, dhammaantoodna isticmaalaan. Laakiin lama oga in dalabkiisaa ay dhinacyadani aqbali doonaan.

Farta Dubai waxa ay noqonaysaa fartii nooceeda ugu horreysay dunida oo dhan ee leh magac magaalo, waxa aanay maamulka Dubai ka dhigaysaa kan keliya dunida ee leh far u gaar ah oo ay qasab tahay in lagu isticmaalo qoraal kasta oo ay samaynayaan dhammaan xafiisyada iyo xarumaha kala duwan ee dawladdu