Dr. Maxamed-Rashid Oo Hambalyo U Diray Xaaji Cabdi

0
540

Picture1Waxaan u mahadcelinayaa Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-Waraabe) oo aan uga mahadnaqayo hawsha culus ee uu ka qabtay golaha wakiilada. Toddobaadkan wuxuu Xaajigu xal u helay khilaafkii ka taagnaa golaha wakiilada ee u dhexeeyay xildhibaanada. Maaha markii u horaysay ee uu Xaajigu hawl sidan oo kale ah qabto kuna guulaysto. Wuxuu dhawr jeer badbaadiyay oo uu xaliyay khilaafyo culus oo wadanka ka taagnaa, waana wax aynu reer Somaliland ahaan ku xasuusan doono weligii. Waxa kale oo aan u mahadcelinayaa xildhibaanada soo gunaanaday khilaafkooda ee xalka ogolaaday. Ma doonayno inuu wdankeenu noqdo meel khilaaf ka jiro. Waa inaynu feejignaana mar walba oo aynu eegnaa waxyaabaa ka socda hareeraheena.

Dr. Maxamd-rashid Sheekh Xasan, wasiirul dawlaha arrimaha dibadda Somaliland