Dr. Maxamed-Rashid Oo Diiriyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland

0
882

 

maxamed rashiid

Hargeysa(Geeska)-Iyadoo ay muddo kooban ka soo wareegtay markii uu Madaxweyne Siilaanyo Wasiirul dawlaha Arrimaha dibadda u magacaabay Dr. Maxamed-Rashid Sheekh Xasan, ayaa la dareemayaa dardar iyo dhaqdhaqaaq faro badan oo uu sameeyay.

Dr. Maxamed-Rashid, oo ah nin aqoonyahan ah khibrad dheerna u leh dhanka diblamaasiyada, ayaa markii xilka loo magacaabay waxa uu ku maqnaa dalka dibadiisa oo uu weli ku suganyahay, laakiin waxa uu muujiyay dedaal dhinacyo badan leh. Waxaanu kulamo kala duwan la yeeshay madaxda Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalka Ingiriiska, kuwaas oo uu kala hadlay xidhiidhka labada dal iyo heerka ay Somaliland gaadhay. Waxa kale oo uu la kulmay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan wasaaradaha arrimaha dibadda ee dalalka, Faransiiska, Koonfurta Afrika, Sweden iyo Beljamka oo ah xarunta Midowga Yurub. Ilo xogogaala oo kulamadaas ka qayb galay ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay inuu masuulkani ku soo bandhigay warbixino ku saabsan Somaliland oo uu si xirfadaysan u sii diyaarsaday, kuwaas oo ay si mug leh ay u dhagaysteen diblomaasiyiintii uu la kulmay.

Ka sokow dedaalada diblomaasiyadeed, waxa uu Dr. Maxamed-Rashid, xidhiidh iyo wada shaqayn dhaw la samaystay jaaliyadaha dibadda ee dalalkaas, kuwaas oo sabab u ahaa kulamada uu la yeeshay masuuliyiinta shisheeye ee uu la kulmay.’

Wasiirku waxa kale oo kullamo gooni gooni ah iyo mid guud oo khadka telefoonka ah la yeeshay masuuliyiinta iyo qaar ka mid ah xubnaha dalada xidhiidhisa ururada Jaalliyadaha Somaliland ee Yurub (SSE), taasi oo Dr. Maxamed Rashiid uu ku kasbaday  kalsooni iyo taageero baaxad leh oo ay u hayaan qurba jooga reer Somaliland ee Yurub.

Si kastaba ha ahaate, inkastoo uu Dr. Maxamed-Rashid muddo kooban hayay xilka wasiirul dawlaha arrimaha dibadda, haddana waxa muuqata inuu wasaaradda la soo galay dardar iyo dhiiranaan, waxaana loo baahanyahay inuu halkaas ka sii wado si ay wasaaradu u muuqato mid gudata xilka ay qaranka masuul uga tahay oo ka balaadhan safaro  dibadda loogu baxo. Dhaqaaqyada dibada ee wasiirku ka bilaabay qaarada Yurub ee uu ugu ololeynayo qaddiyada Somaliland waxa  si aada u soo dhaweeyay dadka reer Somaliland ee u heelan in ay ka midho dhaliyaan sidii Somaliland uga mid noqon lahayd beesha caalamka.