Dr Maxamed Cabdillaahi Oo Ku Taliyay In Xal Loo Helo Khilaafka Xisbiga KULMIYE

0
630

Picture1Hargeysa(Geeska)- Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Ganacisga iyo Maal-gashiga Somaliland Dr.Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed maxamed Maxamuud  (Siillaanyo) iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ugu baaqay in ay si deg-deg ah isaga arkaan Khilafka Xisbiga Kulmiye ee sii Xoogaystay.

Dr.Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo shalay xilka ku wareejiyay wasiirka cusub Dr. Muse Qasim Cumar,  waxa uu sheegay in uu mar kasta jecelyahay guusha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye, waxaanu yidhi “Sida la ogyahay waxaan ka mid ahay Xubnaha ugu Sareeya Xisbiga Kulmiye,muddo dheerna waan ka mid ahaa Xisbiga Afartii Sanno ee ay jirtay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyana waxaan ahaa Wasiir,waxaanan Markasta jecelahay in uu Xisbiga Kulmiye najaxo in uu Xisbigu guulaysto,waxaa kale oo aan jecelahay in Xisbiga Kulmiye marar badan oo kale guulaysto sida laga war-qabo waxa immika jira Khilaaf,waxaan dhamaan Masuuliyinta Xisbiga Kulmiye ugu baaqayaa in Khilaafka hada jira si nabad qab ah lagu soo dhameeyo”

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga  Maxamed Cabdilaahi Cumar waxa uu yidhi isaga oo hadalkiisa sii wata “Dalku  ma qaadi karo Guddiyo is dhex-yaaca oo mid waliba wax gaara wato,Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxaan ugu baaqayaa in ay sida ugu dhakhsaha badan isaga arkaan Khilaafka Xisbiga Kulmiye.”