Dr. Cali Yuusuf Oo Ka Hadlay Xalka Saami-qaybsiga Wakiilada

0
574

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Dr Cali Yuusuf Axmed ayaa ka hadlay saami qaybsiga Wakiilada oo wali xal laga gaadhin, waxaanu sheegay in aanay cid gaar ahi go’aan ka gaadhi Karin, balse ay tahay arin qaran oo u baahan in la iskaga yimaado oo si heer qaran ah xal looga gaadho.

1

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Dr Cali Yuusuf Axmed oo wareysi gaar siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale  is barbar dhig ku sameeyey Somaliland iyo Somaliya, waxaanu yidhi “Somaliland arinteeda hore ayey u cadaysatay adduunkuna wuu ka war qabaa, waana aynu ka madax banaanahay Muqdisho iyo Somaliya, markii hore laba dawladood oo isku darsamay ayeynu ahayn markii danbena weynu kala gonay, kolkaa waxaan nimankaas leeyahay niman yahow kala quusanaye aynu kala qoomamo la’aano, waxan beenta ah ee ay sameeynayaan wax Somaliland quseeya maaha, wax iyaga wax u tarayana maaha, Somaliland xoriyadeedii way la soo noqotay, wax ay ka noqonaysana maaha, waxaan leeyahay ha is daalinana, hana nagu daalina.

Barlamaanka Somaliya Barlamaan maaha, Adduunkuna Barlamaan uma yaqaano, dad yar oo isku tagay oo wax soo magacaabay Barlamaan iyaga u noqon maayo, Somaliland shaqo kuma laha Barlamaankaas, maxa yeelay inaga Doorashadeenu waa ta Adduunka oo kale, maxa yeelay waa Doorasho xalaal ah oo qof walba oo muwaadin ah oo Dastuurku u ogol yahay inuu codkiisa dhiibto wuu codeeyaa, nidaamka Xisbiyada badan ayaa dalka ka hana qaaday, Dimuqraadiyada ayaa dalka ka hana qaaday,  heerkaasna wali may gaadhin Somaliya, markaas waxaan leeyahay ha nagu daalina, ee tiina ka adkaada, oo dantiina ka taliya”

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Wakiiladu mar uu ka hadlaayey Saami qaybsiga ayaa yidhi “Saami qaybsigu waa arin qaran, qof keliyi go’aan kama gaadhi karo, qof keliyina talo kama bixin karo, talada Saami qaybsiguna waa mid qaranka u taala, haddii ALLE idmana talo qaran waa laga gaadhi doonaa, waxyaabo fara badan oo carqalado ah oo aynu ka soo gudubnay ayaa jira, arinta Saami qaybsigana Somaliland xal u waayi mayso.”