Dr. Bulxan Oo Geeska Afrika Uga Waramay Shir Turkiga Ku Dhex Maray Aqoonyahanka Somaliland Iyo Somaliya

0
1008

Hargeysa(Geeska)-Waxa dhawaan magaalada Ankara ee dalka Turkiga ku qabsoomay wejiga labaad ee shirkii aqoonyahanka Somaliland iyo Somaliya oo hore dalkaas uga qabsoomay.

Shirkan oo socday laba maalmood, waxa labada aqoonyahan ee Somaliland iyo Somaliya dhex joogtay dawladda Turkiga oo wada hadalada labada dal gogosha u fidisay si ay u fahanto qaddiyadaha Somaliland iyo Somaliya. Sidoo kale waxa madasha joogay aqoonyahano u dhashay dalka Turkiga oo eegaya doodaha labada dhinac iyo qaddiyadaha la isku hayo.

Dhinaca Somaliland waxa shirka uga qayb galay Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan, waxaana ka  baaqday oo aan shirka kala qayb gelin laba aqoonyahan oo reer Somaliland ah oo ay ahayd inay weheliyaan Dr. Bulxan, halka ay Somaliya metelayeen laba aqoonyahan oo kala ah Dr. Maxamed Cabdillaahi Baadiyoow iyo Dr. Cabdi Kuusoow.

Dr. Bulxan oo ay aqoonyahanka labada dhinac u doorteen inuu noqdo guddoomiyaha guddiyadan aqoonyahanka ah ee ka kala socda Somaliland iyo Somaliya oo shalay ku soo laabtay caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa Geeska Afrika u sheegay in wada hadalada oo socday laba maalmood ay ku qabsoomeen jawi degen, iyagoo labada aqoonyahan isu dhegaysaneyeen si maskax furan, waxaanu Dr. Bulxan yidhi “Adeer shirkaasi wuu jiray, waxaana isku arkay sidaas aad sheegtay laba aqoonyahan oo ka kala socday Somaliland iyo Somaliya, xageena Somaliland anigaa goob-joog ahaa waxaana iga hadhay laba aqoonyahan oo safarka igu wehelin lahaa, laakiin duruufo jira darteed aan safarka igu wehelin. Halkaas waxa nagu dhex martay dood aanu labadayada dhinac soo bandhignay, waxaanan isu dhagaysanay si maskax iyo laab-furnaan ah, waxaana na dhagaysanayay dawladda Turkiga oo aan aad iyo aad uga mahadcelinayo sida ay noo soo dhawaysay iyo doorka ay ciyaarayso. Niman aqoonyahano Turki ah oo ay dawlada Turkigu soo xushay ayaa iyana goob-joog ahaa.” ayuu yidhi Dr. Bulxan.

Shirkaas waxa uu Dr. Bulxan sheegay in isaga loogu doortay guddoomiya islamarkaana lagu heshiiyay in shirka dambe la isugu yimaado bisha January ee sannadka 2018, waxaanu sheegay in labada dhinac ee Somaliland iyo Somaliya isla garteen in ay shirarkan ka soo baxaan natiijooyin midho dhal ah maadaama oo ay yihiin aqoonyahan. Sidoo kale waxa lagu heshiiyay in ergada aqoonyahanka ahi ka koobnaato toban xubnood oo ka kala socda Somaliland iyo Somaliya.

Shirarkan aqoonyahan Somaliland iyo Somaliya waxa ka horeeyay shirar u socday labada dawladood ee Somaliland iyo Somaliya kuwaas oo ahaa shirar siyaasi oo aanay ka soo bixin wax natiijo ah oo midho dhal noqotay.