Dr. Bulxan iyo Habeenkii Kasmo-Wadaag

0
540

Waxa ay ahayd madal la isku arkay oo ay soo buux-dhaafiyeen dhalinyaro isugu jirta lab iyo dheddig. May ahayn madashii ugu horraysay ee la isugu yimaaddo oo Hargeysa mar kasta way ka dhacdaa in la qabto kulamo lagu gorfaynayo arrimo badan oo danta dalka iyo dadkaba khuseeya laakiin habeenkii xalay ahaa wuu ka duwanaa dhamaan kulamadaas oo dhan.

dd

Waxa uu kaga duwanaa qofka ka hadlayay oo ahaa qof ka duwan dadka meelaha kele ka hadla. Waa Dr. Bulxan oo isku darsaday aqoon, waaya-aragnimo, maskax badnaan, hadal yaqaannimo iyo macallinimo intaba. Ka soo qaybgalayaasho oo dhamaa boqollaal qof haddana muddo laba saacadood ka badnayd oo uu khudbad Jeedinayay Dr. Bulxan may lahayn wax shanqadh ah, qof ma hindhisin, qofna meel kele umuu jeesan. Waad arkaysay in qof waliba uu ku xidhnaa hadalkiisa oo sidii oo suuxdin ay ku mudan tahay oo kele qofku aanuu ogaynba waxa hareerahiisa ka socda. Muddadaa labada saacadood ka badan Dr. Bulxan marna hadalkiisa muu joojin haddana iska daa in la daalo ama la caajiso e, qof xataa wakhtiga intaa leegi in uu dhaafay ogaaday ma jirin.

Dr. Bulxan mar wuxuu ka sheekeeyaa taariikhdiisii shakhsiga ahayd, mar wuxuu ka sheekeeyaa waxbarashadiisii, aqoontiisii, sidii uu ku dhoofay iyo wixii uu soo maray. Marna waxa uu ka sheekeeyaa oo uu intaa hore ku dhex daraa casharrada uu nolosha ka bartay marba heerka la joogo isaga oo dhalinyarada siinayay cashar ay wax ku qaataan oo ku salaysan noloshii isagu uu soo maray iyo ta dadka badankoodu mari doonaan inta ay nool yihiin. Mar kele waxa uu hoos ugu soo degaa xaaladda guud ee Somaliland iyo dadka soomaalida ahba waxaanuu hoga-tusaalayn ka bixiyaa arrimo hadda taagan iyo qaar horeba u soo taagnaa, fursado laga faa’idaysan waayay iyo casharro ay ahayd in taariikhda laga qaato intaba. Mar kele waxa uu dhex mushaaxaa taariikhda dhow ee Somaliland, dagaalladii sokeeye, dib u heshiisiintii iyo halgankii uu Marxuum Cigaal ugu jiray ictiraafka isagoo markaa barbar dhigaya xaaladda hadda lagu jiro iyo waxa taagan. Dhinac kele waxa uu haddana qaadaa dhigaa nooca bulsho ee Somaliland, casharradii uu ka bartay iyo sida qofka doonaya inuu dadka la noolaadaa ay tahay in uu u dhaqmo bulshada dhexdeeda.

Dhallinyarada waxa uu si gaar ah ugu boorriyay in ay taariikhdooda bartaan oo tan dalkooda ay si fiican u daraaseeyaan ee aanay noqon uun dhego wax lagu shubto. Waxa uu u sheegay in marka ay wax aaminaan aanay la gabban ee ay ka badheedhaan sidoo kelena riyooyinku aanay wax manfac ah lahayn haddii aan ficil lagu darin oo aan waxqabad lala iman. Waxa uu kula dardaarmay in waxan maanta jira iyo qabyaaladdan aanay ku dhex hafan ee ay ka koraan oo dalkooda u shaqeeyaan madaxda iyo xisbiyadana kula xisaabtamaan wixii dalkooda iyo mustaqbalkiisa khuseeya.

Dr. Bulxan waxa ay is barteen dhalinyaro badan oo aanay hore isu aqoon waxaanuu noqonayaa haldoor ay kaga daydaan aqoonta, go’aanka iyo dadaalka uu u galay noloshiisa, dalkiisa iyo dadkiisaba. Su’aalo badan oo ay hayeen wuu uga jawaabay in badan oo kele oo wakhti loo waayayna waxa aan rajaynayaa in gadaal la isaga iman doono.

Sida loo dhegeysanayay waxa aad moodaysay in dadku koomo ku wada jiraan qof nuuxsaday iyo qof indhihiisu meel kele eegeen midna ma jirto muddada uu hadlayay.

Waxa aan si gaar ah ugu mahad naqayaa CPA oo soo qabanqaabisan kulankan waxaanan rajaynayaa in qaar kele oo badan oo sidan oo kele ahna ay soo wadaan.