“Doorkan Waa In Aanay Dib U Dhac Doorasho Iyo Wax La Mid Ahi Aanu Jirin” Cabdilaahi Geeljire

0
678

Hargeysa (Geeska)-Wasiirkii hore ee Wasaaraddaha Warfaafinta iyo Kalluumaysiga Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), ayaa ka hadlay Doorashada Madaxtooyada, waxaanu soo jeediyey in lagu dedaalo inay Doorashadu wakhtigeeda ay ku qabsoonto oo aanay dib uga dhicin.

Wasiirkii hore ee Wasaaraddaha Warfaafinta iyo Kalluumaysiga Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaamay dhaliisha Beesha Caalamka ee ah dib u dhaca Doorashada, waxaanu tilmaamay in cid gaar ah aanay Doorashada dib u ridin, ee iyadoo lagu heshiiyey dib loogu dhigay, “Xoghayaha Qaramada midoobay waxa wanaagsanaan lahayd inuu duruufteena qadariyo, oo uu wax inaga taro, oo isagu hawshiisa ka soo baxo,Xoghayaha Qaramada Midoobay wuxuu ahaa nin inaga war haya oo horena inoogu yimid, oo halkan nagula kulmay markii uu hayey qaybta Qaxoontiga,  balse Beesha Caalamku iyagoon waxba ina tarin mayn haboonayn inay ina dhaliilaan, balse waxa muhim ah inaynu marka hore inagu ku qanacsan nahay waxaynu sameeynayno, waxaynu sameeynayno haddii uu sax yahay oo aynu isla ogol nahay, waxa dibadda ka imanayaa waxba inagama qaadayaan, balse ceebi waxay dhacaysa markaynaan inagu isla ogolayn, oo wax aan raali laga wada hayn ay qolo is tidhaah socodsiiya,  taasina inaga inagumay dhicin ee waxaynu heshiis ku nahay ayuu ahaa in Doorashada dib loo dhigo, imikana Doorashadeenii waanu qabsanaynaa haddii ILLAAHAY inagu simo”.

Wasiirkii hore ee Wasaaraddaha Warfaafinta iyo Kalluumaysiga mar uu ka hadlaayey Doorashada ayaa yidhi “Roobkii waa ka inoo daye, inaguna waa inaynu dadaalana, doorkana waa in aanay dib u dhac Doorasho iyo wax la mid ah aanu jirin, ee nin walba uu u guntan yahay,waana inaynu iska dhamaynaa Doorashada insha allaah”.

Wasiirkii hore ee Wasaaraddaha Warfaafinta iyo Kalluumaysiga mar uu baaq u diraayey Komishanka Doorashooyinka ayaa yidhi “Komishanka waxa saaran doorkan waajib ka culus, kuwii hore, kaadhadh bixin, qaybin; kala saarid, hubsasho, hawluhu wey badan yihiin, waxaana laga doonaya inay hadh iyo habeenba shaqeeyaan, si cadaalad iyo garsoor wanaagsana ku shaqeeyaan, waana ku wada kalsoon nahay, oo kalsooni buuxda ayaanu ku qabnaa”

Mar uu ka hadlaayey kharashka laga ururiyey xuska 18-may ee loogu tagalay gurmadka abaaraha ayaa yidhi“Arin aad iyo aad u wanaagsan oo wada tashiga iyo wada jirka umadda ka turjumaysa ayuu ahaa, aniguna waxaan ka mid ahaa dadka dhiirigelinayey in sannadkan la bedelo sidii aynu u dabaal-degi jirnay xuska 18-may, oo ha lagu bedelo kharashkii lagu xusi jirnay in dadka abaaruhu hayaan loogu gurmado”