Dooddii Wakiillada: Saamaynta Heshiisyadii Soomaaliya Saxeexday Ku Leeyihiin Somaliland Iyo Kala Duwanaanshaha Warqadda Codsiga Madaxweynaha Iyo Heshiiskii Ku Lifaaqnaa

0
26

Hargeysa (Geeska)- Isniintii shalay waxaa golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ka dhacay dood aad u kulul oo ay xildhibaannadu ka yeesheen heshiiska xukuumadda Somaliland ay shirkadda DP Worl kula gashay maalgelinta dekedda Berbera. Heshiiskan oo golaha wakiillada ay xukuumaddu u soo gudbisay si ayaa shalay faahfaahintiisa waxaa golaha u hor yimid xubno wasiirro ah iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

dddddddddd

Fadhigii golaha wakiillada ee shalay oo jawigiisa gudaha iyo dibaddaba laga dareemayey in ay hortaallo dood xasaasi ah, dad rayid ah iyo warbaahin tiro badan oo arrintaas xiisaynayaana ay aqalka gudihiisa iyo dibaddiisaba joogeen si ay dooddan uga ag dhowaadaan ayaa  waxaa ka soo qaybgalay xildhibaannada mucaaradka iyo muxaafadka oo dhammaantood ay ka muuqatay diyaargarow badan oo ay doodda kaga qaybgalayaan, waxa aanay gorada isla galeen dood aad u kulul.

Mucaarad:

Xildhibaannada dhinaca mucaaradka ugu doodda kululaa ayaa waxaa ka mid ahaa xildhibaan Xildhibaan Axmed Wayse Cade, oo dooddiisa ay ka mid ahayd in wasiirradii dorraad golaha hortegey aanay isku waafaqsanayn waxa uu dhab ahaan yahay qoraalka ay u soo gudbiyeen golaha, iyo waxa uu u arko in ay arrintaas ka dhalanayso, waxa aana hadalladiisa ka mid ahaa, “Wasiiradu waxay  isku khilaafeen in heshiisku kii dhabta ahaa yahay  iyo inuu mid qabyo ah yahay, wasiirka maaliyaddu waxay sheegtay in heshiiskani yahay kii dhabta ahaa, wasiirka arimaha dibadda iyo wasiirka madaxtooyadu waxay sheegeen inuu heshiiskani yahay mid qabyo ah, kol haday iyaguba isku haystaan oo ay iskaga hor yimaadeen oo aanay arintii runta ka cadayn waxay ila tahay inuu halkaas khilaaf iyo madmadow ku jiro goluhuna arintaas ka fiirsado,  labada warqadood ee heshiiska ninkii akhrinayaa ha akhriyo ninkii indhaha ka lalinayaa haka laliyo  inuu heshiiskaasi qabyo yahay”

Dhinaca kale xildhibaan Weyso Cadde waxa uu ku dooday in qoraalkan loo soo gudbiyey golaha, la qariyey qiimaha dekedda lagu qiimeeyey markii lagu shuraakoobayey ee boqolkiiba 65 na ay qaadanaysay shirkadda Imaaraadku 35 ka hadhayna Somaliland.

Xildhibaan Weyso Cadde oo dooddiisa ku soo gunaanaday aragtida ay la tahay in goluhu ka qaato heshiiskan ayaa heshiiskan ku tilmaamay mid ana mudnayn in baarlamaku ansixiyo, oo kii runta ahaa la qariyey, sidaa awgeed ay tahay in ka qarsoon la hor keeno golaha, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Mar haddii aanu heshiiskani aanu ahayn kii dhabta ahaa ee labadeena dalba isku hayey anigu waxaan soo jeedinayaa in la celiyo oo kii dhabta ahaa golaha la horkeeno”

Muxaafad:

Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali oo isna ka tirsan xildhibaannada muxaafadka ee heshiiskan sida aadka ah u difaacay ayaa waxa uu dooddiisan ku sheegay in maadaama oo dekeddii dalka ku taallo, loona wada joogo waxa ay shirkadda DP World qaban doonto, in aan la odhan karin, heshiiskiina yahay kan golaha hor yaalla in aan la is odhan karin heshiis run ahi ma jiro, xildhibaan Bukhaari waxa uu ku taliyey in cidda wax loo qabanayaa ay Somaliland tahay, sidaa awgeed uu heshiiskani mudan yahay in hoos loo eego. “Meesha aan ka eegaya waxa weeye dekadda Berberi waxay u khidmaysaa Somaliland, oo waxaynu u baahan nahay inay balaadhato oo intifaaceeda uu gaadho Geeska Afrika oo dhan, waxaad dareensan tihiin in dawladdaha dariskeena oo Somaliland qaarkood ka soo horjeedaan oo Muqdisho ka mid tahay, Jabuutina inkasta oo aynu saaxib nahay oo ganacsiga tartan inaga dhexeeyo, inay diidan yihiin inay ka soo horjeedaan in aanay qarsanin. In wasiirkooda arimaha dekadduhu uu ka sheegay Muqdisho waxaan leeyahay haddii uu yahay waxaan Somaliland dani ugu jirin oo cid kale dabada ka wadato cadawgeena ayaa ku farxi lahaa”

Xildhibaan Bukhaari waxa uu sheegay in marka la eego lacagta tirada badan ee shirkadda DP World gelinayso dekedda oo ku taalla Somaliland oo aan la aqoonsan in ay ka dhigan tahay naxariis Somaliland ay u gashay, “400 oo Milyan halka ay galayso inaga oo ah dal aan la aqoonsan, oo damaanad maaliyadeed aan dhigin, ama cid kale aanay innaga dhigin, 400 oo Milyan in ay geliso shirkad macaash doon ahi, waxaan qabaa inay inagu eegeen il muslinimo, oo waxay yidhaahdeen u gargaara"

Mucaarad:

Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte oo isna ka mid ahaa xildhibaannada sida adag uga soo horjeeday ansixinta heshiiskan ayaa ku dooday warqadda madaxweyne Siilaanyo ku soo lifaaqay heshiiskan ee golaha soo gaadhay, ay sheegaysay in uu madaxweynuhu golaha u soo gudbiyey heshiis, sidaa awgeed bilowgaba uu halkaas qaladku ka jiro oo ay ahayd in ama warqadda heshiiskii la soo raaciyo ama lagu sheego in waxa la soo gudbiyey uu yahay fasax qaadasho xukuumaddu u fasax qaadanayso in ay wada hadalkaas la bilowdo DP World, marka ay heshiiska rasmiga ah hadhow la gashana ay mar kale golaha ku soo noqoto xukuumaddu oo heshiiskaas weyn hor keento. “Warqadii madaxweynuhu soo qoray waxay ahayd waxaan idiin soo gudbiyey heshiiskii DP World, haday sidaas tahayna warqada madaxweynaha heshiiskii lamuu socon waxaanay ahayd laba miduun ama waxa laynoo soo gudbiyey in warqada madaxweynaha lagu soo qoro ama in shirgudoonku ku celiyo oo uu yidhaahdo heshiiskaas ma haynee heshiiskii oo asal ah ayaanu baahanahay”

Xildhibaan Rayte oo ka hadlayey sida uu u arko in ay noqon karto ansixinta heshiiskan loo soo gudbiyey waxa uu sheegay in ay tahay in xukuumadda loo ansixiyo inay wada hadal gasho, “Labada warqadood ee laynoo keenayba way ku qoran tahay, heshiis rasmiyana looma turjuman karo, markaa ma ansixin karno warqad noocaas ah, balse waxaynu ansixinaynaa arintii wasiir Sacad inoo sheegay ee ahayd iyaga oo ka duulaya mabaadiida halkaa ku qoran in somaliland gasho heshiiskaas, waxaanan leeyahay maanta inooma yaalo heshiis aynu sharci ka dhignaa, waxaana inoo yaala codsi xukuumadeed,

Dhinaca kale xildhibaan Rayte waxa uu sheegay in ay qalad tahay in sharci loo arko in xukuumaddo iibiso ama waxay doonta ka yeesho hantida qaran, iyada oo loo cuskanayo qodobka dastuurka ee arrintaas ka hadlaya, isaga sheegay in dastuurku aanu taas u fasixin xukuumadda oo keliya ee uu isticmaalay ereyga dawladda oo ah golaha xukuumadda, golayaasha sharci dejinta iyo garsoorka.

Muxaafad:

Xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi oo ka mid ahaa xildhibaannada dooddooda shalay ku dhiibtay in heshiiskan la ansixiyo ayaa isaguna ku dooday in aanay ahayn in cabsida intaa le’eg laga muujiyo heshiiskan oo uu sheegay in hadba xukuumadda joogtaa ay leedahay masuuliyadda inay ilaaliso dekedda iyo hantida dalkaba. Xildhibaan Maxamed waxa uu ku dooday in dastuurka dalku uu qabo in dawladdu ay hantida guud lahaan karto, kirayn karto, hab kale oo heshiis caalamiya ahna u geli karto. Qodobkaasina uu yahay kan xukuumadda u ogolaanaya in heshiis kan hadda oo kale ah ay geli karto. Isaga oo sharraxaya nidaamka sharci ahaan ansixintan loo marayo waxaa hadalkiisa ka mid ahaa, “qodobka 36-aad ee xeerka ganacsiga caalamiga wuxuu tilmaamaya habka loo ansixiyo heshiisyaa sidan oo kale ah laba qaybood buu u , muxuu leeyahay haddii ay damaanad leeyihiin darafyada wax wada galaya oo damaanadaasi tahay nooca maaliyada, habka bangiyada iyo nidaamka dawladaha la aqoonsan yahay noocaas haddii uu yahay heshiiska oo la saxeexay ayaa la ansixin karaa  oo cida ogalaansha leh heshiiskii oo dhamaystiran oo la saxeexay ayey geyn kartaa, oo dawladaheeda ayey u geyn kartaa, oo Barlamaanadeedu ansixinayaan”

Xildhibaanka oo ka hadlaya waxa heshiiska noocan ah xaaladdan oo kale damaanad qaad u noqonaya ayaa waxaa hadalkiisa ka mid ahaa, “Waxa damaanad qaad u noqonaya in heshiiskaas la galo ansixinta Barlamaanka, waxa la soo doortay xubnahan, waxayna xubnahani damaanad qaad u yihiin heshiiskaas in la geli karo, Xukuumadda ayey damaanad qaad u yihiin, ogolaanshaheena ayaa heshiiska lagu saxeexi karaa, laakiin waxaynu qaadan karnaa oo la ina horkeeni karaa waa mabaadida, maanta waxa ina hor yaala waa mabaadii’da” Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay saamaynta uu aqoonsigu ku leeyahay heshiiskan, “Dastuurkeenu waxa uu leeyahay qodobka 12 xubintiisa saddexaad Somaliland waxay ku dhaqmaysaa shuruucda caalamiga ah ee la aqoonsan yahay ee dawladdii Soomaaliya saxeexday ee danaheena aan ka hor imanayn, ee aynu innana ka dhaxalnay, innaga oo kaas ka duulayna, waxa inaga inoo dhaqan gal ah oo aynu ku dhaqmaynaa xeerka Ganacsiga Caalamiga ah, wuu ina qabanayaa oo weynu ku xujeeysan nahay, madaama oo aynu kaas ku xujaysan nahay kaas ayaa wuxuu inoo bannaynayaa inaynu qaadano inaynu xukuumadda u fasaxno inay gasho heshiiska kama dambaysta ah , sida darteed waxaan soo jeedinayaa in la ansixiyo heshiiskan oo ah mabaadidii heshiiskan"