Dood Ka Dhalatay Waxqabadkii Tartamayaasha Abaal Marintii Ballon D’Or Iyo Tirada Codadka Ay kala Heleen 10-kii Ciyaartooy Ee Ugu Sareeyey

2
4347

Dood adag ayaa sanado badan kadib ka bilaabantay in xidiga xulka qaranka Croatia iyo kooxda Real Madrid ee Luka Modric uu ku guulaystay abaal marinta Ballon d’Or ee xidiga aduunka ugu fiican isaga oo abaal marintan ku garaacay dhamaan 30 kii musharax ee la tartamayay gaar ahaan xidigihii magaca waynaa ee abaal marinan ku soo guulaysan jiray ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.Iyada oo markii horeba xog lagu sii helay in Luka Modric uu yahay xidiga abaal marintan ku guulaystay, haddana markii ay Majalada France Footbaal si rasmi ah u shaacisay in Modric uu ku guulaysatay abaal marinta Ballon d’Or 2018, waxay abuurtay dood iyo falcelin wayn oo baraha bulshada ka socota.Luka Modric ayaa kooxdiisa Real Madrid kula soo guulaystay koobka kooxaha Yurub ee UEFA Champions League wuxuuna xulkiisa Croatia la soo gaadhay finalkii koobka aduunka, laakiin dooda ugu wayn ayaa ah in xog ahaan iyo koobab ahaanba Modric looga horeeyay abaal marintan Ballon D’or.Marka laga hadlayo diidmada Luka Modric ee abaal marinta Ballon D’or, waxaa jira dhawr arimood oo muhiim ah in marka hore la fahmo taas oo sabab dhab ah u ah in abaal marinta Ballon D’or ee uu Modric ku guulaysatay lagu qeexay in ay tahay abaal marintii ugu xumayd ee luntay.Ugu horayn Luka Modric waxa ugu wayn ee uu loogu doortay abaal marinta xidiga aduunku waa laba arimood, waa koobka Champions League iyo in uu finalkii koobka aduunka soo gaadhay, laakiin waxaa jira ciyaartoy labada sababoodba kaga horeeya oo cidlo uga tagay xidiga reer Croatia.Aan ku horaynee Raphael Varane waxa uu Modric kula soo guulaystay koobka Champions League wuxuuna ahaa xidigii Modric ka qaaday koobka aduunka, waxaana loo arkaa in haddii Modric lagu qiimeeyay finalkii koobka aduunka iyo Champions league, in markaas uu Varane ahaan lahaa xidiga ugu xaqa leh ee gudoomi lahaa abaal marinta Ballon d’Or.Sidoo kale Cristiano Ronaldo ayaa ahaa xidigii gool dhalinta ugu badan ka dhaliyay Champions league ee Luka Modric iyo kooxdiisa Real Madrid ka soo saaray kulamo adag oo ayna soo dhaafeen la’aantiis, sidaa daraadeed, waxa uu Ronaldo dhinaca Champion League kaga sarayn lahaa Modric.Dhinaca kale haddii ay noqoto xogta shaqsiga ah, waxaa Luka Modric 40 jeer in ka badan ku soo laab laabaya Lionel Messi maadaama oo uu Modric sanadkii dhamaa ee 2018 uu xulkiisa iyo kooxdiisa Real Madrid u soo dhaliyay 3 gool oo kaliya. Taageere ay ugu qoran tahay Veron ayaa xog ahaan ku soo bandhigay sida ugu horayn ay Messi iyo Ronaldo u yihiin laba xidig oo aan la gaadhi karin laakiin waxa uu sii muujiyay in Messi uu yahay kan laga boobay abaal marinta Ballon D’or sidan ayuuna  xogta ku soo koobay: Messi vs Ronaldo – 2018: Messi =68 gool iyo gool caawineed, Ronaldo= 57 gool iyo gool caawineedKoobabka Ay Ku Soo Kala Guulaysteen:Messi =3 koob, Ronaldo= 1 koobAbaal Marinaha Ay Ku Soo Kala Guulaysteen Ee La Xusi Karo.Messi= 4 (Golden shoe, Pichichi, Xidiga La Liga Ugu Fiican, Onze d’Or); Ronaldo= 0. Marka dhankaa laga eegana Messi ayaaba ka horeyn lahaa Ronaldo. Halkan Kaga Bogo Qaabkii Kaalmaha iyo Dhibcaha Loogu Kala Guulaystay Ee Abaal Marinta Ballon D’Or: 10-Harry Kane- England & Tottenham = 25 Dhibcood, 9 – Kevin De Bruyne- Belgium & Man CIty = 29 Dhibcood. 8 – Eden Hazard – Belgium & Chelsea = 119 Dhibcood. 7 -Raphaël Varane- France & Real Madrid = 121 Dhibcood. 6 Mohamed Salah- Egypt & Liverpool = 188 Dhibcood. 5 Lionel Messi – Argentina & Barcelona = 280 Dhibcood. 4-Kylian Mbappe – France & PSG = 347 Dhibcood. 3-Antoine Griezmann  – France & Atletico Madrid = 414 Dhibcood.2-Cristiano Ronaldo- Portugal & Juventus = 476 Dhibcood.1-Luka Modric- Croatia & Real Madrid = 753 Dhibcood.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here