Donald Trump Oo Ku Faanay Inuu Ka Dambeeyay Go’doonka La Geliyay Qatar

0
480

Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa sheegtay in kuu ka dambeeyay caddaadiska ay dalalka Khaliijku saareen dawladda Qadar.

Trump ayaa sheegay in markii uu dhawaaan booqday Sacuudiga loo sheegay in dalka Qadar uu maalgaliyo "aragtida xagjirka ah"

"Markii aan booqashada ku tagay Bariga Dhexe waxaan carrabka ku adkeeyay in aan hadda ka dib la maalgalin karin aragtida xag jirka ah" ayuu yidhi Trump.

Socdaalkaygii "wuu midho dhalay" ayuuna sii raaciyay madaxweynaha Maraykanku.

Sacuudi Carabiya, Baxrayn, Isutagga Imaaraadka Carabta, Yemen iyo Dawladda Liibiya ee ku sugan dhanka bariga iyo dalka Maldives ayaa dhammaantood u jaray calaaqaadkii dublamaasi iyo xiriirradii kale ee ay la lahaayeen dawladda Qadar.

Waxay ku eedeeyeen in ay teegeerto argagixisada gobolka. Dawladda Masar ayaa sheegtay in ay diyaaradaha Qadar ka xidhanayso hawadeeda iyadoo uu sii korayo muranka dublamaasiyadeed, waxaana la filayaaa in Sacuudi Carabiya iyo Baxraynna ay sidaas oo kale sameeyaan Talaadada.

Muwaadiniinta Qadar ee ku nool Baxrayn, Sacuudi Carabiya iyo isutagga Imaaraadka Carabta ayaa loo qabtay labo todobaad in ay dalkooda ku aadaan.

Qadar ayaa diiday in ay taageerto malayshiyaadka, wasiirkeeda arrimaha dibadduna wuxuu ku baaqay in la qabto wadahadal aan waxba laka qarsanaynin oo daacadnimo ku dheehan tahay.

Waxaa la filayaa in khalkhal uu ku yimaaddo garoommada magaaalada Dooxa ee caasimadda u ah dalka Qadar maadaama oo ay sii maraan duulimaadyo badan oo u kala socda daafaha caalamka.

Shirkadaha Diyaaradaha ee ay saamaynayso waxaa ka mid noqon doona Qatar Airways, Etihad Airways iyo Emirates.

Haddii diyaaradaha Qadar ay ka weecdaan hawada baaxadda wayn ee dalalka ay dariska yihiin waxay markaas ku qasbanaan doonaan in duulimaadyadu ay qaataan wakhtiyo intii hore ka badan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Qadar Sheekh Maxammed Bin Cabduraxmaan Al Thani ayaa warbaahinta Al Jazeera u sheegay "in diyaaradahoodu ay wali awoodi doonaan in dunida u socdaalaan iyaga oo adeegsanaya baddaha iyo hawooyinka caalamiga ah".

Geesta kale, boqorka dalka Kuwayt ayaa sheegay inuu dhexdhexaadinayo Qatar iyo dalalka Khaliijka ee is khilaafsan. Dowladaha Kuwait, Turkey iyo Sudan ayaa kamid ah wadamada sheegay inay doonayaan inay dhex dhexaadiyaan xiisadan u dhaxeysa Sacuudiga, Imaaraadka iyo Qatar.

Amiirka dalka Kuweyt Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah ayaa xidhiidh la sameeyey madaxda dalalka Sucuudiga, Imaaraadka iyo Qatar, sida ay sheegtey warbaahinta dalka Kuweyt ee KUNA, waxaanu ka codsaday inay xaaladda dejiyaan.