Djibouti Oo Dekedaheeda Itoobiya Ka Siisay Saami Iyo Guddi Wasiiro Ah Oo Loo Saaray Hirgelinta Heshiiskaas

33
2750

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Itoobiya ayaa saami ku yeelan doonta dekedda dalka Djibouti, ka dib markii ay is afgarad arrintan ka gaadheen madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele iyo Raysalwasaaraha Itoobiya Dr. Abeyi Axmed oo toddobaadkan booqday Addis Ababa.

Warbaahinta Itoobiya ee ay dawladu maamusho ayaa baahisay in  hirgelinta heshiiskan cusub ee saamiga ka siinaya dekedaha Djibouti, dalka Itoobiya ay tafaasiishiisa dhammayn doonaan guddi wasiiro ah oo labada dawladood ka socdaa.

Wasiirka warfaafinta Itoobiya Axmed Shide, ayaa saxaafadda u sheegay inaan weli la isla meeldhigin saamiga ay Itoobiya ku yeelanayso dekedda Djibouti, laakiin ay ku hawlanyihiin khabiiro labada dhinac ka wada tirsani.

Wasiir Shide, wuxuu intaas raaciyay in heshiis hordhac la saxeexi doono laba bilood gudahood.

Warbaahinta ayaa sheegtay in Raysalwasaaraha Itoobiya uu dawladda Djibouti ka dalbaday in Itoobiya ay doonayso in saami laga siiyo dekedda Djibouti, taas oo uu madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele isna aqbalay.

Itoobiya ayaa badeecadaheeda kala duwan kala soo degta Djibouti tan iyo sanadkii 1998 markii ay isku dhaceen Djibouti iyo Ereteriya. Laakiin dawladda Djibouti ayaa ka xumaatay ka dib markii ay Itoobiya la saxeexatay Somaliland iyo shirkadda Imaaraadka ee DP world inay saami dhan 19% ku yeelato maalgashiga dekedda Berbera.

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa u arka talaabadan mid ay Djibouti doonayso inay ku wiiqdo miisaanka heshiiska DP world ee Berbera ee saamiga laga siiyay Itoobiya.

Warbaahinta Itoobiya ayaa aad u falanqaysay markii ay Itoobiya saxeexday saamigeeda Berbera, waxaanay sheegtay in Djibouti si weyn uga cadhootay go’aanka Itoobiya ee ah saamiga ay ku yeelatay dekedda Berbera ee ay DP world maalgashanayso.

Djibouti iyo shirkadda DP world ayaa si weyn isu maandhaafsan, ka dib markii ay DP world maalgelin ku samaysay dekedda Berbera. Djibouti ayaa laashay heshiiskii sharci ee ay kula jirtay DP world, shirkadda DP world ayaa iyaduna maxkamad Ingiriika ku taala u gudbisay dacwad ka dhan ah go’aanka ay Djibouti ku laashay heshiiskaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here