Djibouti Iyo Itoobiya Oo Kala Saxeexday In Gaasta Iyo Saliida Caydhin Ee Gobalka Soomaalida Laga Dhoofiyo Djibouti Iyo Dalabkii Somaliland Oo Meesha Ka Baxay

0
1257

Addis Ababa(Geeska)-Dawladda Itoobiya ayaa dalka Djibouti la saxeexatay heshiis ku saabsan in Gaasta laga helay gobalka Soomaalida ee Itoobiya laga dhoofiyo dekedaha Djibouti.

Djibouti iyo Itoobiya ayaa shalay ku kala saxeexday magaalada Addis Ababa heshiis dhigaya dhismaha jid isku xidhaya labada wadan oo dhererkiisu yahay 767 km. Wasiirka macdanta iyo Baatroolka ee Itoobiya Dr. Samuel Hurcato iyo Wasiirka tamarta iyo khayraadka dabiiciga ah ee Djibouti Yonis Geedi, ayaa shalay heshiiskaas ku saeexay Addis Ababa, waxaanay labada Wasiir sheegeen in heshiiskani dan iyo faa’iido u yahay labada wadan.

Sidoo kale waxa lagu heshiiyay in la dhiso dhuumaha shidaalka ee gaasta ka qaadaya deegaanka Soomaalida Itoobiya oo gayn doona dalka Djibouti, waxaana la bilaabayaa sannadkan, iyadoo dhismaha dhuumahan lagu dhammayn doono laba sannadood.

Marka la dhammeeyo jidkan iyo dhuumahan, waxa gaasta dabiiciga ah ee Itoobiya laga dhoofin doonaa dekedaha Djibouti, iyadoo loo iib gayn doono sayladaha dunida.

Somaliland ayaa bishii Oktoobar ee kal hore dawladda Itoobiya ka dalbatay in gaasta dabiiciga ah ee laga helay deegaanka Soomaalida Itoobiya laga dhoofiyo dekedda Berbera. Wasiirka macdanta iyo tamarta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal, ayaa wakaaladda wararka ee Bloomberg u sheegay in Somaliland dalabkeeda ah in gaasta laga dhoofiyo dekedda Berbera u gudbisay Itoobiya, “Waa Maxay sababta saliida iyo gaasta Qaydhin ee Ogaden aan looga dhoofin Karin Berbera.” Ayuu yidhi Wasiir Jaamaca Somaliland.

Wasiirka  macdanta iyo tamarta Somaliland wuxuu ku dooday in haddii gaasta laga dhoofiyo Berbera uu yaraanayo kharashka ku baxaya dhuumaha gaasta ka qaadaya gobalka Soomaalida Itoobiya ee gaynaya Berbera, “Maadaama.” Ayuu yidhi “Ay Berbera u jirto 400 km goobta gaasta iyo saliida laga soo saaray ee Itoobiya.”, waxaanu intaas raaciyay inay Djibouti goobtani u jirto 700 km.

Laakiin guddoomiyaha dekedaha Djibouti Abuukar Cumar Xadi oo isna xilligaas u waramay wakaaladda wararka ee Bloomberg, ayaa sheegay inaanu xilligaas ka war hayn dalabka ay Somaliland u gudbisay Itoobiya, “Kama war hayno dalabka ay Somaliland u gudbisay Itoobiya, balse dawladda iyo shirkadda GCL ee soo saaraysa saliida iyo gaasta Itoobiya waxay wada saxeexdeen heshiiska lagu dhigayay dhuumaha, ganacsiguna had iyo jeer waa tartan.”

Si kastaba ha ahaate, inkastoo aan la arag dedaal xoogan oo ay dawladda Somaliland u gashay sidii ay Itoobiya ugu qancin lahayd inay noqoto jidka ugu haboon ee laga dhoofin karo gaasta iyo saliida laaga helay gobalka Soomaalida Itoobiya, haddana waxa shalay cadaatay inay Itoobiya heshiis ku saabsan dhoofinta gaasta iyo saliida ay la gashay Djibouti.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here