Diyaaradii Malaysia oo la xaqiijiyay inaanay ciddi ka badbaadin

0
533

HELAYDawladda Malaysia ayaa maanta xaqiijisay inaanay jirin cid ka badbaaday oo ka mid ah rakaabkii diyaaradda la socda. sidaas waxa xaqiijiyay raysalwasaaraha Malaysia Najiib Risaaq.

Ehelladii diyaaradda Malaysia ee la la'yahay ayaa loo sheegay in diyaaraddii ay luntay oo inta badan aysan haatan jirin "dad ka badbaaday"

Ra'iisalwasaaraha Malaysia Najib Razaq ayaa sheegay in warkaas la garsiiyay dhamaan ehelladii dadkii saarnaa diyaaradda maqan.

Diyaaradda Malaysia ayaa la waayay kaddib markii ay ka duushay gegida diyaaradaha ee magaalada Kuala Lumpur, caasimadda Malaysia.

Waxay ku socotay magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha.

Warkan ayaa ku soo beegmay iyadoo maalintii shanaad diyaaradda laga raadinayo koonfurta badweynta Hindiya, kaddib markii la arkay wax u muuqday burburkii diyaaradeed.