Diyaaradii La Waayay Ee Malaysia Oo Laga Helay Burbur Kale

0
747

malaysiaKadib markii baadigoobka diyaaraddii la waayay loo weeciyay aagag cusub, waxaa soo muuqday Burbur aan weli la xaqiijinin oo loo malaynayo hadhaagii diyaaradda la la'yahay ee Malaysia.

Shaqaalaha saaran diyaarad Militeri oo New zealand laga leeyahay oo hawlgalka ka qaybqaadanaysa ayaa sheegay inay arkeen cadad dul sabbaynaya koonfurta badweynta Hindiya oo waqooyiga ka xigta magaalada Perth ee Australia.

Goobtan ayaa 1, 100 kilo mitir woqooyi ka xigta goobihii hore ee baadigoobka ka socday.

Waxa warkaas lagu xaqiijin karaa oo kaliye haddii markab uu halkaas gaadho, taas oo la filayo inay maanta dhacdo.

Meelihii baadhitaannada lagu bartilmaameedsanayay ayaa la baddalay kadib markii baadhayaashu sheegeen in diyaraddu ku socotay xawaare ka badin kii ay filayeen. Sidaas daraadeedna uu shidaalku ka dhamaaday intii loo qorsheeyay inay socon karto ka hor.

Dayax gacmeed kale oo laga leeyahay dalka Thailand ayaa isna shalay xaqiijiyay inuu arkay walxo dul sabaynaya badweynta Hindiya, kuwaas oo la aaminsanyahay inay yihiin hadhaagii diyaaradaas Malaysia, laakiin cimilada oo xun darteed lama gaadhin goobta, lamana xaqiijin karo in walxahaasi yihiin diyaaradii iyo in kale.

 

Mudada diyaaradda la la’yahay waxay ku dhawdahay saddex toddobaad inta la'layahay diyaaradaasi oo ay sarnaayeen 239.