Diyaaradaha Kenya Oo Mar Kale Shalay Duqeeyay Somaliya

0
615

Picture2Diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya ayaa la sheegayaa in ay mar kale shalay weerar ka fuliyeen degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe, Sidaas waxaa saxaafadda u xaqiijiyey afhayeenka ciidamada Kenya Major Chirchir inkasta oo aanu faahfaahin ka bixin khasaaraha diyaaradohoodu geysteen. Ilo ka madaxbanaan sheegashada Kenya ayaa sheegaya in diyaaraduhu duqeeyeen dhul-beereedka la yidhaahdo Fara-guroow oo qiyaastii 4km u irta degmada Jilib.. Goobjooge la hadley warbaahinta Somaliya ayaa sheegey in dadku aad u cabsanayaan, isla markaana aanay tagi  karin beerahoda, weerarkan ayuu sheegay in ay ku dhaawacmeen 6 qof oo labo haween tahay. Maalmo ka hor ayey ahayd markii laba diyaaradood oo laga lee yahay dalka Kenya ay duqeyn ka geysteen saldhig ay sheegeen in al-Shabaab ku sugnaa, waxaana Kenya sheegatey in ay halkaas ku dishey 11 ka tirsan aö-Shabaab oo u dhashey dalka Kenya.