Diyaarad Aan Duuliye Lahayn Oo Duqaysay Guri Baraawe Ku Yaala

0
553

Picture4Baraawe(Geeska)-Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ayaa duqayn ka gaysatay magaaladda Baraawe ee dalka Somaliya. Magaaladda Baraawe ayaa ay gacanta ku hayaan ururka Al-shabaab.

Dhowr Gantaal ayaa la sheegay inay ku dhufatay diyaaradani guri ay ku sugnaayeen saraakiil Al-Shabaab katirsan, laakiin lama garanayo khasaare ka dhashay. Ururka al-shabaab ayaan isguna dhankiisa ka hadal duqayntaas loo gaystay magaaladda Baraawe oo ay iyagu maamulaan.sida oo kale ma jirto wali cid sheegatay diyaaradan aan duuliyaha lahayn ee duqaynta gaysatay, waxase la ogyahay in magaaladdaas hore dalka Maraykanku uu duqaymo uu ku beegsanaayo saraakiisha Al-shabaab uu ka gaystay.