“Dimuqraadiyada Waxaynu Ka Haynaa Doorashooyinka Dhacaya Iyo Maamulka”Prof Cabdisalaan Yaasiin

0
473

Prof:Cabdisalaan Yaasiin Maxamed, oo ka mid ah Masuuliyiinta Madasha Wada-tashiga Somaliland, ayaa ka digay in Doorashadu dib u dhacdo, waxaanu Xukuumaddu ugu baaqay in wixii kharashaad ah ee  kaga xaniban Doorashada ay bixiso, si aanay muddo kordhin dambe aanay u dhicin.

 Prof:Cabdisalaan Yaasiin Maxamed, oo Wargeyska Geeska Afrika u waramaya ayaa sidoo kale baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee Dharkeen-geenyo, waxaanu ugu horeyn yidhi “Doorashadu inay wakhtigeedii ku dhacdo weeye,mana dhaafi karto, xilkuna wuxuu saaran yahay Xukuumadda iyo Guddida Doorashooyinka, Xukuumaddu wixii lacag ahaa ee ku maqnaa inay bixiso weeyaan, waana in si deg deg ah lacagta loo bixiyo,Doorashooyinku in badan bay dib inooga dhaceen,oo wuxuun la iska korodhsadee, waa inaynu hadda joojinaa taas, weynu aragnaa Wadamada uu nidaamku ka socda, sida Ingiriiska, oo Dawlad dhan oo sadddex sanno u hadhsanayd ayaa Doorasho deg deg doonaysa inay qabato, oo Barlamaanka la keenay, inagana Wadankeena waa lagu shaqeeystaa, oo mushaharuun bay qaatan, kuwaasiba mushahar wey qaataan, balse qanuunkii bay u hogaansamayaan, laakiin Wadankeena Dastuurkii iyo qanuunkii baan loo hogaansamayn, haddii ay tahay Guurti, Wakiilo iyo Xukuumadba, markaas waxaan anigu leeyahay waa in Xukuumadda, Wakilada iyo Guurtiduba qanuunka iyo dastuurka u hogaansamaan, Dimuqraadiyada waxaynu ka haynaa Doorashooyinka dhacaya iyo maamulka, balse hadba qolada timaada wey iska korodhsanaysaan”.

Prof: Cabdisalaan Yaasiin mar uu baaq u diraayey labadan beelood ee dagaalamay ayaa yidhi “Marka hore iyadoo abaari ina hayso, colaadu ma wanaagsana, waxaad se mooda in colaada dhexmartay Beelaha Dharkeen-geenyo, ee dagaalku waxba ma tarayo, faa’iidana ma leh, ee dagaalka iyo dhibta ha la joojiyo, oo labada dhinacba nabada ha u hogaansamaan”.