Dilkii Usaama Bin Laadin: Buug Daaha Ka Rogaya Runtii Uu Maamulka Obama Qariyey Kamaal A. Cali… (Qaybta 24aad)

0
510

1Waxaa Maraykanka u caddaatay in ISI aanay marnaba doonayn in Usaama la dilo, iyo in joogitaanka Usaama ee Baakistaan ahaa mid sirta qaranka ka mid ah oo ay ogaayeen masuuliyinta ugu sarraysaa, iyaga oo dhinaca kalana jilaya in ay ka xun yihiin soo qabasho la’aanta Usaama, Maraykankana u muujinayey in ay kala shaqaynayaan sidii loo soo qaban lahaa.

In masuuliyiinta sare ee Baakistaan hayeen warka joogitaanka Usaama waxaa caddayn inoogu filan hadalkii uu sida badheedhka ah u bixiyey nin wasiirka difaaca ee Baakistaan ahaa xilligii Usaama la dilyayey, hadalkaas oo ka yaabiyey sirdoonka reer galbeedka, isla markaana ay si isku mid ah balse kala sabab ah uga cadhoodeen sirdoonnada CIA iyo ISI waxaa ka mid ahaa ereyada wasiirka difaacu yidhi markii Usaama la dilay kadib, “Hoggaanka sare ee dalku, milateriga iyo Rayidkuba waa ay ogaayeen in hoggaamiyaha Al-Qaacida uu dalka joogo”

Waxaa CIA u muuqata in Usaama aanay weligood Baakistaan u sheegteen haddii aanu ku wacad furin sarkaalkii madax-furashada qaatay ee sirta fashiliyey, arrimahaas iyo xaqiiqooyinkaas CIA ogaatay ayaana cirka ku sii shareertay kalsooni darradii labada dhinac.

Sabab ay ku timidba Maraykanku sida aynu soo sheegnay muddo badanba Baakistaan waxa uu tusayey in aanu kalsooni badan ku qabin iskaashigeeda dhinaca sirdoonka ama in aanu abaal badan ugu haynin, tusaale aynu u soo qaadanno dhacdadii 2009kii ay sirdoonka Maraykanku si qaawan oo dunida oo dhami maqlayso ugu warbixiyeen in ay hayaan caddaymo muujinaya in sirdoonka Baakistaan ee ISI ay gacan ku leeyihiin weerarradii argagaxiso ee waqtigaas ka dhacay magaalada Mumbaay ee dalka Hindiya. Taas oo ahady garab istaag cad oo Maraykanku u muujiyey Hindiya iyo farriin kala fogaanshiyo oo uu Baakistaan u diray.

Sidoo kale sirdoonka Maraykanku waxa uu sheegay in uu hayo caddaymo muujinaya in sirdoonka Baakistaan uu marar badan dad Maraykanku beegsanayey oo uu argagaxiso u arkayey ay u sheegeen in weerar cirka ahi ku soo maqan yahay, sidaasna ay dadkaasi kaga badbaadeen weerarro diyaaradaha Is-wada ee Maraykanku ku dili lahaayeen.

Dareenka shakiga ah ee sirdoonka Baakistaan uu ka qaaday Kelton waxa uu la kowsaday bilowgii shaqada Kelton ee Baakistaan. Waayo waxa ay ka cabsi qabeen tan dhacday oo ah in uu ku kaco hawlgallo sirdoon oo aakhirka sababa in ay kala fogaadaan sirdoonnada CIA iyo ISI.

Isla markii uu Mark Kelton yimid Islamabad, caasimadda Baakistaan si uu shaqadiisa u bilowdo oo ahayd sannadkii 2010ka, sirdoonka ISI il aad u feejigan iyo dareen taagan ayaa ay ku qaabileen. Waxaa la xasuustaa in markiiba uu taliyaha sirdoonka Baakistaan diiday in uu la kulmo ama wax uun wada hadal ahi dhex maro Kelton iyo xitaa in marka uu dadkiisa gaarka ah la joogo iyo marka Maraykanku la joogaanba uu ku dhawaaqo magaca Kelton ama xitaa xilka loo soo igmaday.

Sida ay caddeeyeen saraakiil sare oo ka tirsan sirdoonka Maraykanka ee CIA Marka uu taliyaha sirdoonka Baakistaan si uun ugu qasbanaado in uu soo hadal qaado Kelton waxa uu si badheedh ah ugu tilmaami jiray, “Cadowga wejiga xun ee madaxa ka ah xafiiska CIA da ee Baakistan” waxa aanu ula baxay naanays uu si joogto ah ugu isticmaalo mar kasta oo uu magaciisa sheegayo, taas oo ahady, “Maydka”

Si kastaba ha ahaato ee masuuliyiinta sirdoonka ee Baakistaan si joogto ah oo adag ayaa ay u dafireen warbixinaha sheegaya in ISI ay sumaysay Kelton. “Sida iska cadba, sheekadani waa been-abuur aan u qalmin in faallo laga bixiyo” Sidaa waxaa ku jawaabay Nadeem Hotiyaana oo ah afhayeenka safaaradda Baakistaan ay ku leedahay caasimadda Maraykanka ee Washington.  Waxa uu afhayeenku intaas ku sii daray, “Waa aanu diidannahay, maldahaadda sida dadban noogu eedaynaysa arrintan” La Soco……….