Dilkii Usaama Bin Laadin: Buug Daaha Ka Rogaya Runtii Uu Maamulka Obama Qariyey Kamaal A. Cali… (Qaybta 23aad)

0
496

1Mark Kelton oo uu wargeyska Washington Post weydiiyey warka sheegaya in uu isagu ka shakisan yahay in la sumeeyeyna waxa uu ku jawaabay, in aanu isagu ahayn qofka ugu horreeyey ee ka shakiyey in xaaladdiisan caafimaad sababteedu tahay sun.

Tuhunka sumaynta ahaa waxa uu astaan muuqata u ahaa sida xidhiidhka labada dal u xun yahay. In kasta oo danta Baakistaan iyo ta Maraykanka aanay midina ku jirin in si badheedh ah ay labadooda ama midkood u sheego in xidhiidhkoodii diblumaasiga ahaa xumaaday ama xitaa ugu yaraan uu hoos u dhacay iskaashigoodii dhinacyada milateriga iyo amniga oo xog-wadaagga sirdoonku ugu horreeyo, haddana cidda arrimahan u dhuun dalooshaa waa ay dareemi karaysay in aanay is aaminaadi dhex oollin CIA iyo ISI.

Kalsooni darrada ay Baakistaan ku qabtay Maraykanku muddo dheer oo aad uga horreysay dilka Usaama Bin Laadin ayaa ay soo bilaabatay, waxa aynu odhan karnaa muddadaas marba marka ka dambaysa waa ay sii xoogaysanaysay, illaa heerkan aynu ka waramayno ay soo gaadhay, laakiin ma’aan dul istaagin dhacdada ama waqtiga aynu odhan karno aamin darrada Maraykanku ku qabay Baakistaan waa uu la soo bilowday, haddii in wax uun aan xuso ay noqotana waxa aanaynu meesha ka saari karin, xidhiidhka qarsoodiga ah ee Baakistaan abidkeedba la’ lahayd Daalibaanka Afgaanistaan oo cadho iyo calool xumo badan ku hayey Maraykanka oo si fiican u ogaa in xitaa marka ay dawladda Baakistaan la dagaallamayso Daalibaanka Afgaanistaan ee ay marar badan Maraykanka ka gacansiinayso weerarradiisa ka dhanka ah, haddana sirdoonka Baakistaan mar kasta ay xidhiidh fiican la’ lahaayeen Daalibaan, waayo danta Baakistaan ay xidhiidhka ka dhex arkaysay ayaa ahayd in Daalibaan oo meesha ka baxdaa ay keenayso in ay isu dhowaadaan Hindiya iyo Afgaanistaan, dhinacna uga soo wada jeestaan Baakistaan, markaa waa in Baakistaan ay lahaato cid mar kasta gudaha u joogta oo noqota kaadh ay ku gorgortami karto, dhinaca kalana Maraykanku ma’ uu jeclaysanayn qaabka madax bannaanaynta u muuqday ee ay Baakistaan ula macaamisho goballadeeda xiga dhinaca Afgaanistaan oo ah buuraley awoodda maamul iyo hubkaba ay gacanta ku hayaan qabiilooyin awood badan oo la og yahay in ay xidhiidh dhow la’ leeyihiin Daalibaan ama ugu yaraan aanay jeclayn in ay taageeraan cid wax yeellaynaysa Daalibaan iyo Al-Qaacida. Waa suurtogal in arrintani ay ahayd arrin ka baxsan awoodda xukuumadda Baaksitaan oo uu dalku qaabkan u soo dhisnaa tobannaankii sano ee uu jirayba, laakiin waxaa xaqiiqo ah in ay caqabad ku ahayd dagaalka Maraykanku ka waday Afgaanistaan, maadaama oo sahayda iyo saanaddaba ay Al-Qaacida iyo Daalibaan ka helaan Baakistaan iyaga oo marsanaya buurahan aanay cidi geli karin ama weerarrada cirku wax badan ka qaban karin ee labada dal isku xidha. Sidoo kale ragga ku biiraya ururradan iyo dhaawaca ama bukaanka kale ee loo soo daweynayo ururradan waxaa la marin jiray jidadka qarfaha ah ee buurahan, dawladda Baaksitaanna wax badan kama ay ogaan karayn ama maba ay doonayn in ay ka ogaato, oo waxaa kaga awood badnaa qabiilooyinka hubaysan.

Shakiga badan ee Maraykanku uu marka horeba ka qabay daacadnimada Baakistaan waxaa xujo cad u sii noqday xogtan cusub ee Usaama Bin Laadin. Waxa ay u muuqataa in Maryakanku ogaaday in muddo aad u dheerba Usaama nabad iyo badhaadhe iskaga noolaa guri weyn oo aan ka fogeyn xeryaha sirdoonka iyo ciidamada gaarka ah ee Baakistaan, isaga oo helaya dawo, cunto iyo xitaa kaabayaasha nolosha ee kale.

Waxaa Maraykanka u caddaatay in ISI aanay marnaba doonayn in Usaama la dilo, iyo in joogitaanka Usaama ee Baakistaan ahaa mid sirta qaranka ka mid ah oo ay ogaayeen masuuliyinta ugu sarraysaa, iyaga oo dhinaca kalana jilaya in ay ka xun yihiin soo qabasho la’aanta Usaama, Maraykankana u muujinayey in ay kala shaqaynayaan sidii loo soo qaban lahaa. La soco…………..