Dilkii Qorshaysnaa W/Q:Naasir Maxamed Cabdillaahi

0
635

Alexander Litvinenko Waxay ahaayeen Saaxiib dhaw Madaxweynaha Wakhtigan ee Dalka Rush-ka Vladimir Putin  oo ay ka wada Shaqayn Jireen Hay’add Sirdoonka Dalkaas ee KBG, Wakhtigaas oo dhaq-dhaqaaq lagaga soo hor jeeday Madaxweynihii wakhtigaa Boris Yeltsin oo Lagu eedaynayay inuu sabab u ahaa hoos u dhaca Dalka Ruushka wakhtigaa ku yimid isagoo xidhiidh dhawna la lahaa Dalka Maraykanka oo ay KBG Cadaw u arkaysay.

1111111111111

1999 kii Markii Talada Dalka Ruushka uu ku Guulaystay Vladimir Putin Muddo yar intaanu xilkaba Hayn qaabkii Maamulkiisa Waxa si wayn uga biyo diiday Alexander Litvinenko, Waxaanu si toos ah dalka Ruushka uga baxsaday Markii Gabadh Wariye ahayd Anna Politkovskaya  oo ka baxsatay Dalka Ruushka ay Sirdoonka khatarta badan ee Ruushku ku dileen Dalka Ingriiska, Wuxuu Aaminay inuu yahay Qofka labaad ee ku xiga ee u qorshaysan in la dilo Waxaanu u baxsaday Dalka ingiriiska isagoo si joogto ah Siro uga faafin jiray.

 Sirtiisa aad baa loo qadan jiray iyo warka uu sheego madaama oo dadku ay aaminsanaayeen Litvinenko inuu in badan xidhiidh dhaw la lahaa Putin.

Alexander Litvinenko Wakhtigii uu Joogay Dalka Ingriiska Waxa ka war hayay oo uu xidhiidh dhaw la lahaa Sirdoonka Ingriiska CIA oo siin jiray Lacag 2000 kun ah, bilowgii Sanadii 2006 dii waxa sirdoonka dalka Ruushku qorsheeyeen dilka Litvinenko waxaana loo xil saray Berezovsky.

Berezovsky  wuxuu si yar u soo jiitay Litvinenko isagoo u sheegay inuu doonayo inay wada shaqaystaan oo ay bilaaban La talinta Hay’addaha ama Ururada doonaya inay ka shaqeeyaan Dalka Ruushka madaama ay aqoon badan u leeyihiin  Litvinenko waxaanu iskaga dhigay nin ganacsade.

Berreovsky waxa uu sitaa Kimiko lagu soo farsameyay dalka ruushka oo uu aad ugu badan yahay radhiyayshanku  oo loo yaqaan Polonium oo lagu soo farsameyay dalka rush-ka mudana laga shaqayanayay.

Scotland Yard  iyo Berezovky Waxay kula balameen Litvinenko Huteelka Caanka ah Millennium hotel iyagoo ku dardaaray inuu wakhtiga adkeeyo madaamay doonayaan inay ka qayb galaan Ciyaarta Champion Leaga 2006 – Arsenal iyo  CSKA Moscow ku dhex martay Magalada London taasoo ku dhamatay barbar dhac.

Litvinenko Wuxuu ahaa Nin Xishood badan oo Ilbax ah wuxuu goobta balanta soo gaadhay 4:30,  Berezovky oo ah Ninka Ruushku u xilsaray dilka sidan suntan Biyaha loogu darayo wuxuu wataa xaaskiisa iyo laba caruura oo uu dhalay, Waxaanu saaray qol xaga sare ah, miiska Waxa fadhiya Labadooda oo qudha waxa yaala Kildhi Shaah ah iyo Laba Koob.

Litvinenko wuxuu ahaa Nin aan Hutelkan Waxba ka cabin madaamuu yahay Hutel Five Star ah isaguna aanu lacag haysan, Wuxuu ahaa Nin inta badan dadka ka xishooda oo aan waxba waydiin arrintana waa laga sii war hayay madaamo kulama hore ay wada qaateen oo fashilmay.

Berezovky wuxuu galay suuliga waxaanu ku maqnaa 10 daqiiqo, Markuu soo noqday wuxuu u sheegay Litvinenko in shaahan isaga iyo saxiibkii loo keenay oo uu badhi ku hadhay waxaanu u dalbay koob dheerad ah, Letvinenko wuu Cabay Shaahii markuu laba jeer kabaday Wuu iska dayay sababtoo ah shaahu wuxuu ahaa qabow, Berezovky waxa ka dhacay culays badan aad buu u farxay madamuu ku guulaystay ujeedaduu u socday intuu kulankii soo gaabiyay buu ku yidhi mar kale ayaynu kulmi ciyartii bay gaadhay, Wuxuu soo daadajiyay Xaaskiisii iyo caruurtiisii, si aan loo dareemin mar labad buu ku soo noqday Letvinenko oo aan meeshii ka kacin ilmo uu dhalay oo 8 jir ah buu ku yidhi aabo salan waa adeerkaye si uu shakiga meesha uga saaro, Waxaanu saacado gudahood kaga dhoofay garoonka diyaradaha ee magalada london.

Litvinenko wuxuu dareemay intuu jidka ku sii socday xanuun aad u badan Waxaanu la xidhiidhay dhakhtiirta waxaana dhawr jeer oo is xiga ku soo boday  wadne xanuun (Hear Attac) iyo Faalig baadhitaan ka dib way fahmi wayeen dhakhtiirtu ka dib wuxuu la xidhiidhay bilayska iyo cidamada Sirdoonka ingiriiska oo u dirayay laababka casriga ah ee dalka, Waxaana la ogaaday in Sunta Polonium loogu daray Shaah, Dawlada Ingriiisku waxay ku guuldaraystay inay badbaadiso Levinenko Muddo Saddex cisho ka dib ahna wuu geeriyooday.

Intaanu dhiman waxa laga qaaday  Waraysi wuxuu sheegay Dilka gabadha wariyahaa iyo dilal kale oo badan inuu ka danbeeyay Vladimir Putin  oo uu yahay nin xun, Waraysigiisa wuxuu ku soo gabo gabeyay ugu danbayntii aniguu I dilay Basterku

Maxkamad ku tala dalka Ingiriiska ay ugu danbayn Xaqiijisay geerida Litvinenkoin in sun lagu dilay, Sirro badan iyo Xog laga helay Dilkii  Letvinenko waxa Todobadyadii u dambeyay qaada dhigaysay saxaafada Caalamka xogo dheeraad ah oo laga helay Kamaradaha qarsoon ee Hutelka.