“Diiwaangalin Nadiif Ah Ayeynu Samaynay, Doorasho Nadiif Ahna Waynu Samaynaynaa.”

0
740

Oog (Geeska )- Wasiirka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ahaa wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Murrashaxa xisbiga KULMIYE Muuuse Biixi Cabdi ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey deegaannada Oog ee gobolka Sool.

Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo munaasibad balaadhan oo soo dhawayn ka dib halkaasi ka hadlay ayaa sharaxay ujeeda socdaalkooda yidhi “ Dhammaan dadweynaha reer Oog, mudanayaal iyo marwooyin, dhalinyaro iyo waayeel iyo weftigayagan martida idiin ah, Asalaamu calaykum.Waxaannu nahay socoto, wefti idinku soo beegmay oo uu hor-kacayo gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi, ujeedada socdaalka weftigu waxay salka ku haysaa wacyi-galinta iyo baraarujinta qaadashada kaadhkaa codbinta doorashada, ole-ole imika uma socono, ole-ole wuu iska iman doonaa doorashadii waxa inooga hadhay wakhti gaaban qarkeeda ayeynnu saaran nahay, maanta ole-ole ma wadno, ole-oluhu wuu iska iman doonaa KULMIYE wuxuu la iman doonaa minhaaj dhamays tiran oo aan cidina dafiri karin.”

Mudane Xaashi ayaa geesta kalena yidhi “ Maanta waxaannu wadnaa waxa weeye in aannu dadweynaha Somaliland guud ahaanba meel ay joogaan iyo xero ay joogaanba aannu ku dhiiri-galino inay qaataan khaadkii is diiwaangalintooda, waa muhiim saameyn ayey ku leedanahy noloshooda, dhaqaalahooda iyo nabadgalyada bulshada dhamman arrimahaas kaadhkaasi saameyn ayuu ku leeyahay, faa’iido badan ayuu bulshada u leeyahay, deegaankii aan kaadhka qaadani wuxuu waayi doonaa xuquuq badan oo uu leeyahay, oo hadhow uu isku ciil-kaanbiyo, waa fursad muhiim ah oo uu muwaadinku ka faa’iidaysto, waa la dadaalay, dhammaan shacbiga Somaliland waa la dadaalay maanta ma jiro qof laba kaadh lihi, qof waliba hal kaadh ayuu leeyahay, diiwaangalin nadiif ah ayeynu samaynay, doorasho nadiif ahna waynu samaynaynaa.”

“ Waxaannu ku boorinayaa dadweynaha reer Oog inay qaataan khaadhkaas, oo xafidaan. halkani waa dhab waxay ka mid ahayd goobihii xisbiga KULMIYE looga codayn jiray, ma aaminsani in uu taageeradii lumiyey xisbiga KULMIYE, sidoo kale Kulmiye waa xisbi gaamuray oo mabaa’iid siyaasi ah ku dhisan, waa xisbi qaranka Somaliland oo dhan ka kooban gobollada dalka oo dhan, kuwa waaweyn ee lixda ah afar ayuu isaga oo mucaarid ah aqlabiyada haysan jiray, maantana isagaa talada dalka haya, lixda gobol-ba wuu haystaa, dharaar dhow ayey muuqan doontaa INSHA ALLAAH.”

Geesta kalena Wasiir Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa waxa uu ka hadlay Xisbiga KULMIYE iyo saamayntiisa ayaa wuxuu yidhi “ KULMIYE xubanaha haldoorkiisu xil kuma dhisna xilna kuma ururaan, waxa halkan fadhiya laba Wasiirul Maaliye oo is kala badalay, laba Wasiir daakhili oo midna xilka hayo midna ka tagay, waxay taasi muujinaysaa guradaa balaadhan waa xisbiga KULMIYE maanta ay qoorweyntiisu fadhido,waxa raggaa kulmiyey xil maaha, xoolana maaha, xurmo kalena maaha waxa weeye aragti siyaasadeed oo fog, KULMIYE waa kaas, waa kaa shalay taageerayseen maanta aad taageeraysaan.”