Digniin: Isticmaalka Joogtada Ah Shabakadaha Xidhiidhka Bulshadu Waxa Ay Keentaa Cimri Degdeg

51
4560

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in isticmaalka joogtada ah ee baraha bulshadu ku xidhiidho ee internet ku ay sababto cimri degdeg. Sida ay ku warrameen cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Standford ee dalka Maraykanku, dhibaatooyinka caafimaad ee ka dhasha isticmaalka joogtada ah ee muddo dheer uu qofku ku qaato baraha bulshadu in ay keento in uu ugu yaraan boqolkiiba 10 ka cirmi gaabto qofka dhiggiisa ah caafimaad iyo da’ ahaanba laakiin ka yaraysta isticmaalka baraha internet ka ee xidhiidhka bulshada.
Daraasaddani waxa ay sheegtay in isticmaalka joogtada ahi uu yahay ka uu qofku ku qaato baraha bulshada 4 saac oo xidhiidh ah ama kala googo’an maalin kasta. Waxa se ay khubaradu arrin iska caadi ah ku tilmaameen in qofku uu celcelis ahaan maalintii ku qaato hal saac. Dhinaca kalana waxa ay daraasaddani iftiimisay in dadka isticmaala baraha bulshadu ay marar badan qaadaan tallaabooyin aan maangal ahayn iyaga oo keliya doonaya in ay ku kasbadaan ‘Like’.
Dhinaca kalana cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey waxa ay ka digeen in dadku ay si qaldan u isticmaalaan baraha xidhiidhka bulshada, iayga oo shegay in dadka badankoodu aanay uga faa’iidaysan si fiican, oo tusaale ahaan ay dayacaan fursadaha aqoonkorodhsi iyo ciyaaraha kala duwan ee maskaxda dhisa ee ay ka heli karaan baraha bulshada, iyaga oo taas beddelkeedana ay waqti badan ku qaataan in ay u isticmaalaan habab waqti lumis ah oo aan caafimaad ahaanna faa’iido lahayn, haddii aanay dhibaataba ka dhalan.
Arrinta kale ee xiisaha lihi waa in ay daraasaddani ogaatay in isticmaalka badan ee baraha xidhiidhka bulshadu uu keeno in ay qofka ka soo baxaan calaamadaha gabowga oo uu ka mid yahay coodhcoodhka indhaha dushooda ah, taas oo ay ku sababeeyeen cabbiraadda wejiga ee qosolka, farxadda, layaabka iwm leh ee uu qofku isaga oo kelidii ah sameeyo inta uu isticmaalayo baraha bulshada. Xarakaadkaas joogtada ah ee muruqyada wejiga uu ku ku samaynayo oo uu ka mid yahay indho kala taagga, ayaa aakhirka keena coodhcoodh waqtigiisa ka soo horumara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here