Digniin: Hees Ama Cod Keliya Oo Talefankaaga Gacanta Ee iPhone Ka Ah Laguugu Soo Diray Ayaa Fayras Keeni Karta

0
517

Washington (Geeska)- Hadda kadib haddii qof uu talefankaaga gacanta oo nooca iPhone ah ku soo dhacdo farriin sidda hees, ka taxaddar in aad ku degdegto furisteeda, xitaa haddii qofka soo diray uu yahay mid aad ku kalsoon tahay. Waayo, shrkadda Apple ayaa sheegtay in ay barnaamijka uu qalabkeedu ku shaqeeyo ee iOS, nuskhaddiisa 10.33 ka qabatay laba gol-dalool oo suurtogelinaya in cod la isugu soo diro talefanka marka la furo uu isu beddelo fayras.

Labadan Fayras oo ay heshay shirkadda Trande Micro ee soo saarta barnamaijyada la dagaalama Fayraska ayaa sidoo kale awood u leh in ay ku dhacaan qalabka kale ee ay shirkaddu soo saarto, gaar ahaan talefishannada iyo barnaamijka ka shaqaysiiya saacadaha shirkaddu soo saarto.

Fayraskan ayaa la sheegay in uu aad u shabbaho mid sannadkii 2015-ka ku dhacay barnaamijka Andriod ee ay soo saarto shirkadda Google, kaas oo sababi jiray in ay qarsoomaan faylasha codka ah ee noocoodu yahay, MP3 iyo MP4. Laakiin talefannada iPhone marka laga hadlayo waxa ay dhibaataynta fayraskani illaa hadda ku kooban tahay faylashada codka ah ee noocoodu yahay MP4, waxa aanu fayrasku talefanka ku faafayaa isla marka uu qofku furo faylkan codka ah ee sida farriimaha kale ee codadka ah ugu soo dhacaya talefankiisa.

Dhinaca kalana shirkadda Apple waxa ay dib-u-cosboonaysiisay barnaamijkeeda iOS ka ah ee tirsigiisu yahay 10.3.1 si xal loogu helo ka hortagga weerarka kala duwan ee qalabkeeda casriga ah oo talefannadu u horreeyaan soo weeraraya, gaar ahaan kuwa la isu mariyo internet ka. Waxa aanay ku talinaysaa in qofka macaamiisheeda talefannada ka mid ah ee aanu barnaamijka talefankiisu ku shaqaynayaa gaadhsiisnayn tirsiga kor ku xusan, uu si aad ah u taxaddaro, haddii ay u suurtogelaysana u cusboonaysiiyo.