Digniin Caafimaad: Dharka Oo Lagu Dhex Qallajiyo Gurigu Waxa Ay Keentaa Khatar Caafimaad Darro

0
661

1London (Geeska)- Koox dhakhaatiir dalka Ingiriiska ka mid ah ayaa ka digay in dharka la maydho oo lagu dhex qallajiyo gurigu iyaga oo sheegay in ay khatar caafimaad oo aad u halis ah ku keeni karto dadka qaba xaaladaha caafimaad ee la xidhiidha daciifnimo dhinaca hab-dhiska difaaca ah iyo sidoo kale dadka qaba xiiqda.

Dhakhaatiirtu waxa ay sheegeen in dharka sudhan xadhka iyo biraha la sudho si ay u qallalaan iyo sidoo kale mishiinnada laydhkak u shaqeeya ee lagu dul wadho si ay u qallajiyaan in ay keenaan kor u kaca ruduubadda guriga, oo ay gaadhsiin karaan illaa boqolkiiba 30, taasina ay abuurto duruuf iyo jawi sahlaya in bakteeriyadu ay aad u Taranto. Warkan uu Geeska Afrika turjumay oo uu ka soo xigtay shabakadda wararka ee Sky News waxa uu intaas ku sii darayaa in xeeldheerayaashu ay warwar aad u weyn ka muujiyeen jeermiska guryaha gudihiisa ku bata oo keena caabuqa ku dhaca sambabada.

Prof. David Dining iyo koox cilmibaadhayaal ah oo uu hoggaaminayo kana tirsan National Aspergillosis Centre ee xarunteedu tahay magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska, ayaa si aad ah uga digay arrintan, kadib markii ay waayo-aragnimo weyn ka heleen bukaan tiradoodu soo kodhayso oo qaba xanuunnada sambabada ku dhaca, kuwaas oo markii ay hab-nololeedkooda baadheenna ay u soo baxday in yihiin dad guryaha dhexdooda si joogtoa ah dharka la maydho guriga ugu dhex wadeen qalabkan si ay u qallalaan.

Prof. Dining oo arrintaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi, “Shayga la maydho ee qoyan waxaa weli gudaha ugu jira ku dhowaad laba litir oo biyo ah, kuwaas oo lagaga saaro qallajinta loo adeegsado xadhiga ama mishiinka ee guriga gudihiisa ah. innagana badankeena waxaa daciif ah hab-dhiska difaaca, waxa aana la og yahay in Bakteeriyadu ay ku Taranto qoyaanka iyo hawada qoyaanka/ruduubadda leh.