Digniin Caafimaad: Bariiska Oo La Caddeeyey In Sida Aynu U Karsanaa Ay Qaldan Tahay Iyo Khatarta Ka Dhalan Karta

0
1423

Belfast (Geeska)- Malaayiin qof oo daafaha dunida ku filqan, oo kala isir, jinsi iyo dal ah ayaa halis u ah cudurro aad u khatar badan, gaar ahaan carruurta, sababtuna waa keliya sida ay bariiska u karsadaan ama weligeeda dunida looga karsanayey. Sidaa waxaa caddaynaya daraasado caafimaad oo dhowaan soo baxay!!!.

Cidina maanta ma’ay u fadhiyiin in habka karinta bariiska ee weligeedba soo jirtay, duniduna ka siman tahay uu qaldan yahay oo weliba uu sababo xanuunno badan oo khatar ah oo aynu aalaaba raadinno halka ay inooga yimaaddeen. Bariiska oo ah cunto dunida oo dhan laga yaqaano, inteeda badanna si maalin leh ah looga isticmaalo ayaa cilmibaadhayaal ku xeeldheer faa’idooyinka cuntada iyo dhibteedu waxa ay ku sameeyeen baadhis cilmi oo eegaysa saamaynta ay qaabka bariiska loo kariyaa ku yeelan karto caafimaadka qofka.

Tijaabooyin cusub ayaa daahfuraya in habka aynu sida caadiga ah bariiksa u karsanno oo dhaqan iska noqday uu yahay in aynu biyaha oo karaya ku shubno bariiska kadibna inta uu biyahaas dhammaysanayo ama in yar oo dambe oo lagu kordhiyey liqayo, haddii kale uumi la isticmaalayo. Laakiin waxa ay dhakhaatiirtu hadda ogaadeen in maadadda sunta ah ee ku jirta bariiska oo ah maadad suntan ah ee lagu magacaabo Arsenic oo la og yahay in ay bariiska aad ugu badan tahay.

Maadaddan oo aad u dhibaataysa caafimaadka ayaa xanuunnada ay keento waxaa ka md ah, Macaanka, Kansarka, Xanuunnada ku dhaca wadna iyo sidoo kale carruurta oo ay ku keento dhibaato dhinaca korniinka ah.

Haddaba iyada oo ay dad badani weligoodba aaminsanaayeen in karinta bariiska la karinayaa ay ku filan tahay in suntan ay ka saarto, ayaa waxaa hadda soo baxaya in arrintaasi ay qaldanayd.

Habkee sax ah in loo kariyo bariiska?

Andy Mehargh oo ah baresare oo Bayoolojiga ka dhiga jaamacadda Queensland ee magaalada Belfast, oo ah caasimadda Woqooyiga Ireland ayaa sameeyey tijaabo uu saddex qaabu karinayo bariiska, mid kastana marka uu bislaado ka hubinayo in ay ka dhammatay suntan Arsenic. Sida ay ku warramayso warbaahinta Ingiriiska oo faafisay qormadan uu Geeska Afrika turjumay, gaar ahaan wargeysyada The Telegraph iyo The Independent.

1. Waxa karinta bariiska u isticmaalay qaddar biyo ah, oo ah inta caadi ahaan sax ku ah ee la isticmaalo, markii uu bariiskii karay ee biyihii wada liqay, sida inta badanba la yeelo ayaa aanu ka qaaday oo uu dib bariiskii oo bisil uga shaybaadhay maadadda Arsenic, waxa aanu arkay in ay suntani aad ugu jirto bariiska uu karsaday.

2. Bariis kale ayaa uu kariyey isaga oo markan isticmaalaya qaddar biyo ah oo aad uga badan inta caadi ahaan u bislayn lahayd, markii uu bariisku in badan karayey ee aanu jilicnna waxa uu dib uga miiray biyihii dheeraadka ku ahaa ee aanu weli liqin, mar kale ayaanu bariiskii oo bisil shaybaadhay, waxa aana u soo baxday in sunta arsenic ay qiyaas kala badh ah hoos u dhacday markii uu qaabkan u kariyey bariiska.

3. Mar saddexaad ayaa uu kariyey bariis kale, laakiin markan intii aanu karin waxa  uu bariiskii oo caydhin ku radiyey biyo nadiif ah, maalin dhan ayaa aanu ku daayey oo xitaa uu bariiskii radiskii ku dhaxay. Maalintii labaad ayaa inta uu bariiskii biyihii ku radsanaa ka miiray, oo qasaasilay uu sida caadiga ah biyo iyo bariis isu dheelli tiran kariyey, markii uu bislaaday ee uu haddana suntii ka baadhayna waxaa u soo baxday in ay boqolkiiba 80 sunti arsenic hoos u dhacday.

Ugu dambayntiina waxa uu soo saaray natiijada uu gaadhay ee warbaahinta caalamiga ahi aadka u faafisay oo ah in habka aynu bariiska u karsanaa qaldan yahay khatar caafimaadna ku hayo aadamaha, waxa aanu ku taliyey in sida ugu fiican ee bariis loo karsan karaa ay thaay in biyo lagu radiyo oo maali dhan lagaga tago, ka hor inta aan la karin.