Didier Drogba Oo Ku Soo Jeeda Markan Horyaalka Dalka Talyaaniga Ee Serie A

0
959

Picture2Kooxda AS Roma ayaa xiisaynaysa inay la soo saxeexato weerar yahanka kooxa Galatasaray iyo xulka qaranka Ivroy Coast ee Didier Drogba.

36-jirkan ah halyeygii hore ee kooxda Chelsea ayaa heshiiska uu kula jiro kooxda Turkiga ka dhisan waxaa uu dhacayaa dhamaadka xagaagan. Drogba qudhiisa ayaa marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan waxaa uu doonayaa inuu hawo badasho waxaana ay u baddan tahay in horyaal kale oo aanu weligii aanu ka soo ciyaarin uu tago sida horyaalka Serie A-da ee wadanka Italy. Sida uu sheegay Websiteka Lesport10.com waxaa jiray wada hadalo hore u sii dhex maray ciyaar yahanka Ivory Coast wakiiladiisa iyo Roma.

Drogba ayaa u dhaliyay 20-gool kooxda Galatasary tan iyo markii uu ku biiray bishii January ee 2013-kii.