Dib U Dhaca Doorashada Iyo Muddo Kordhinta Oo Wiiqday Xidhiidhka Somaliland Iyo Beesha Caalamka Iyo Doodda Xukuumadda Madaxweyne Silanyo

0
693

Hargeysa(Geeska)-Xidhiidhka Somaliland iyo wadamada caalamka ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ayaa waxa uu u muuqdaa inuu ku yimid hoos u dhac, ka dib; dib u dhaca doorashooyinka iyo muddo kordhinaha kala duwan ee loo sameeyay madaxweyne Siilaanyo iyo baarlamaanka.

1

Warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in dalalka reer galbeedka ee taageera dimuqraadiyadda Somaliland, ay muddo kordhintan iyo dib u dhigistan u dambaysay ku keentay isbedel mug leh, iyagoo ku hanjabay inay wax ka bedelayaan wada shaqayntii Somaliland, gaar ahaan dalalka maalgeliiya sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF ayaa la sheegay inay dib u eegis ku samaynayaan sanduuqaas, iyadoo la filayay inay sannadkan 2017 saddex jibaaraan caawimadii sanduuqaas.

Hase yeeshee wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, oo ay shalay saxaafadu wax ka weydiisay dareenadan isa soo taraya ayaa yidhi  “Waa tii qorshaheenu ahaa in doorashada la galo March, abaaraha culus ee inagu yimid aawadeed waa tii dib loo dhigay, saddexda xisbi, madaxweynaha iyo guddiga doroashadu waa kuwii isla qaatay iyagoo maalin soo jeediyay, go’aanka maalinta la galaayo waxa iska leh guurtida.” ayuu yidhi, waxaanu intaas raaciyay “Duruuf baa keentay , wax qarsoodiya maaha in iyagu [deeq bixiyayaashu] ay jeclaayeen in xilligeeda la qabto doorashada, haddii dib loo dhigayana wax yar dib loo dhigo, inaga lafteenu sidaas ayaan jeclayn laakiin duruuftaa keentay, waanan u sharaxnay, mar kalena waan u sharixi doonaa.”

Isagoo ka jawaabaya in dalalka deeq bixiyayaashu go’aan ka gaadheen wada shaqaynta Somaliland, wuxuu yidhi “Maan arag meel ay yidhaahdeen wax baanu idinka  goynaynaa, laakiin waxay yidhaahdeen waxaanu doonaynaa in wada hadal laga galo heshiiskii hore gaar ahaan arrinka sanduuqa [SDF], kaasina arrin xun maaha ee wada hadal ayaan ka galaynaa, haddii ay inoo suurtogali lahayd inaan hore u qabsano doorashada waan qabsan lahayn, laakiin  duruuftaa keentay.”