Dhismaha Wadada Hargeysa Iyo Baligubadle Oo La Bilaabay

0
658

Picture5Hargeysa(Geeska)-Shirkada China Horn Group oo qaadatay Qandaraaska Dhismaha Wadada Isku xidhaysa Magaalooyinka Hargeysa iyo Baligubadle ayaa Maalmihii ugu dambeeyay Waday Dhismaha 10-km ee ugu horeeyay.

Waxa wadadaas tagay Gudidda qaban-qaabada ee Wadada Baligubadle iyo Hargeysa, Masuuliyiin Ka tirsan Xukuumadda iyo Haldoorka Dhalasho ahaan ka soo jeeda Gobolada Hawd iyo Maroodi Jeex.

Guddoomiyaha Gudida Gacanta ku haysa Dhismaha Wadadan Marwo Edna Aadan Ismaaciil Oo halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay in looga baahan yahay shacabka reer Somaliland sidii ay qayb uga qaadan lahaayeen dhismaha wadada Baligubadle. Marwo Edna Aadan Ismaaciil Waxa ay si aad ah ugu mahad celisay Gudida Gacanta ku haysa Dhismaha Wadadaas oo ay sheegtay in ay hadh iyo habeenba heegan ugu jiraan sidii ay u dhamaysitiri lahaayeen wadadan.

Waxa kale oo ay baaq iyo mahad celinba u jeedisay shacabka reer Somaliland, kuwaas oo ay ka dalbatay in ay ka qayb galaan dhismaha wadadan. Waxaana hadaladii ay halkaasi ka soo jeedisay Marwo Edna Aadan Ismaaciil Ka mid ahaa “Waxa aan saaka(Shalay) idin kala soo hadlayaa Magaaladda Hargeysa ee caasimada Somaliland, aniga oo dhex taagan wadadii laga soo qaaday Masalaha Hargeysa ee u socotay caasimada Gobolka Hawd ee Baligubadle.

Wadadan in badan baa loo hawl galay, sanado badan ayaa marna taladeeda lagu jiray, marna wax loo soo uruurinaayay. Waxa aan maanta aad ugu faraxsanahay horta himiladii aynu wadadan ka lahayn in badan in ay inoo suurtogashay in badana ay qabyo inaga tahay.

Sida aynu u ognahay Gobolka Hawd, halkaas uu maanta ku yaalaa waa halkii dalka laga soo xoreeyay, dadka degani dhibaato badan ayay u soo mutaysteen halaag, rasaas iyo wixii magaceeda Bali khaddar loogu bedalay Baligubadle, Faqashtu saddex jeer ayay gubtay.

Baligubadle waxa ay ahayd halkii dalka laga xoreeyay, Caasimada Somalilnad abaal ayuu Baligubadle ama Hawd ku leeyahay, abaalkaas ay ku leedahay loogu samayn maayo wadada, waayo Baligubadle horteedba way jirtay, wayna sii jiri doontaa,  ee waxa ay muhiimad gaar ah u leedahay caasimada, dhaqaalaha Somaliland ayay muhiimad u leedahay, caafimaadka ayay u leedahay, siigada ka kacaysa inta ay sanbabada ka gaadhayso ayaa laga raysan doonaa.”

Marwo Adana Aadan waxa ay hadalkeeda ku soo gunaanaday“Dal wayn oo balaadhan oo Ethiopia la yidhaahdo ayaa xagaas inaga xiga, Ethiopia waxa ay u baahan tahay in alaabo looga soo qaado, waxa inaga dhexeeya xidhiidhi wanaagsan, reerka degan oo keliya loo samayn maayo wadadaas. Waxa aan doonayaa in aan Kalmad idhaahdo dadkii dhulka lahaa ee waliba dhinac deganaa wadada Baligubadle, waxa aan leeyahay dadkaas waa in aad keentaan Baloogyadii iyo waliba dhulkii aad ku baaqdeen, reer miyigii xoolihii ay ku deeqeen waa soo uruurinaynaa, markaa waxa aan leeyahay dadka dhulka leh, wadadani adiga ayay dantaada tahay, sii daaya oo dhulka ku soo dara dhismaha wadada.”