Dhinacyada Xisbiga KULMIYE Isku Haya Oo Sii Kala Fogaanaya Iyo Ergadii Golaha Guurtida Oo Gucle Ugu Jirta Isu Soo Dhawayntooda

0
842

Picture8Hargeysa(Geeska)-Iyadoo ay ergadii golaha guurtida, gaar ahaa xubnaha shirguddoonku ay shalay madaxweyne Siilaanyo la yeesheen kulankoodii u horeeyay, ayaa waxa haddana 24-kii saacadood ee u dambeeyay la dareemayaa dhaqdhaqaaqyada iska soo horjeeda ee ay labada dhinac ee KULMIYE isku hayaan.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kulanka madaxweynaha iyo shirguddoonka guurtida oo uu Xaaji Cabdiwaraabe weheliyo, laakiin warar xogogaala ayaa sheegaya in weli Madaxweyne Siilaanyo taaganyahay inay isaga iyo Muuse Biixi sharciga xisbiga ku kala baxaan. Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu ergada golaha guurtida u cadeeyay in khilaafka lagu dhammayn doono sharciga xisbiga iyo xeerarka dalka, taas oo uu macnaheedu yahay inaanu diyaar u ahayn in wada hadal laga galo mawduucan. waxaanay wararku tibaaxayaan inaanay weli ergada golaha guurtidu helin natiijo togan oo ibo fur u noqota dedaaladooda xal raadineed.

Ergada golaha guurtida ayaan shalay ilaa xalay la kulmin garabka guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, oo haddii ay wada hadaladu weji wanaagsan ku furmaan ay ahayd inay gelinka dambe ee shalay la kulmaan si ay labada dhinacba uga qaataan kalsooni ah inay xaaladda gacanta ku dhigaan.

Geesta kale, labada dhinac ee KULMIYE oo ka kala socda Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku hawlan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo iska soo horjeeda, waxaanu dhinac waliba ku taamayaa inuu guulaysto. Garabka madaxweyne Siilaanyo ayaa shirka golaha dhexe ee xisbiga u balansan 1 June oo ah Axadda ay labada maalmood inaga xigaan, halka ay garabka guddoomiye Muuse Biixi Cabdi iyaguna shirka golaha dhexe iclaamiyeen 31 May oo Sabtida ah. Garabka ka socda Madaxweyne Siilaanyo ayaa gacanta ku dhigay qaar ka mid ah xubnaha guddiga fulinta uu Muuse Biixi u magacaabay, kuwaas oo is casilay. Si kastaba ha ahaate, haddii aan xal deg deg ah loo helin khilaafka xisbiga KULMIYE, waxa dad badan u muuqata in khilaafku gaadhi doono meel sare oo aan dib looga soo celin karin, taas oo dhaawac u gaysan doonta miisaanka xisbigu ku lahaa bulshada uu codka ka doonayo.