Dhinacyada Somalia Oo Sheegay Qaabkay Xildhibaannada Somaliland U Xulanayaan

0
685

Hargeysa (Geeska)- Shirka lagu magacaabay madasha wadatashiga qaran ee Somaliya oo muddooyinkii ugu dambeeyey ka socday Magaalada Muqdisho ayaa shalay si rasmiya u soo xidhmay.

1

Shirkan oo ay ka soo qayb galeen Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh iyo madaxda maamul goboleeddada federaalka Soomaaliya, ayaa shirkan oo dulucdiisu ahayd sidii looga tashan lahaa doorashooyinka iyo nidaamka dawladda dambe ku imanayso, nidaamka saami-qaybsiga ee 4.5 iyo arrimo kale, ayaa warmurtiyeedkii ka soo baxay oo 11 qodob ka koobnaa, waxaa ay ku soo dareen qodob ku saabsanaa Somaliland, oo ah qodobka Sagaalad, iyaga oo sheegay in dhinacyadani ay ka heshiiyeen qaabka ay ku imanayaan xildhibaannada golaha sare ee dawladda Federaalka Soomaaliya ugu talogaleen dadka isir ahaan ka soo jeeda Somaliland waxaanu qodobkaasi u dhignaa sidan

9. Kuraasta Aqalka Sare ee Beelaha Somaliland

Madasha Madaxda Qaranka oo tixgalineysa go’aanadii ka soo baxay kulankii Baydhabo kuna saabsanaa xalinta saami-qeybsiga iyo hannaanka doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Somaliland iyo sidoo kale heshiiskii 12 Abriil 2016 doorashooyinka dadban ee 2016 iyo hannaanka dhismaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo qeexaysa “Dawlad goboleedyada hadda jira ama dhismaya waxay samaysanayaan qaab ay kuraasta ugu qaybiyaan beelaha/dadyowga ama deegaanada, qaabkaas oo ah mid isku dheelitiran oo loo wada dhan yahay, iyadoo la hubinayo in dadka laga tirada badanyahay ay helaan metelaad ku filan”

Madashu waxay go’aamisay in qoondada 3-da kursi ay qoonda ahaan u leeyihiin beelaha Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle oo hal kursi ka mid ah ay leeyihiin beelaha laga tira badan yahay ee deggan degaannadaas.

Waxay sidoo kale Madashu go’aamisay in 2 xubnood lagu kordhiyo tirada kuraasta ay qoonda ahaan beelaha Somaliland ku leeyihiin Aqalka Sare ee Baarlammaanka Federaalka.