Dhinaca Qorsoon Ee Nolosha Madax Dunida Caan Ka Ah: John Kennedy- Jacaylkii Siyaasadda Iyo Khiyaamadii Dumaashiyada

0
2114

Buuggan ay Daily Mail soo akhriday oo faahfaahsan uga sheekaynaya xidhiidhada jacayl ee ay Jacqueline la’ lahayd labadeeda dumaashi, iyada oo weliba ay mararka qaarkood ahaayeen xidhiidho ay xitaa si cad u dareemeen ilaalada gaarka ah ee marwadu.

Sida uu xaqiijinayo wargeyskan uu Geeska Afrika soo xigtay, buuggan cusubi waxa uu si cad daaha uga rogayaa in waxba kama jiraan ay tahay daacadnimadii iyo dulqaadkii lagu sheegi jiray Jacqueline in ay ku qaabishay odaygeedii John F. Kennedy ee shabeel-naagoodka ahaa gaar ahaan dhinaca dumarka jilayaasha filimada iyo fannaaniinta ah aad ugu dheerayn jiray. Waxa aanu muujinayaa in lammaanahan mid kastaa dhinaciisa khiyaamada ugu xariif ahaa. In kasta oo uu si dadban u sheegayo in xidhiidhada ay Jacqueline samaysay qaarkood ay ahaayeen aargoosi ay Kennedy kaga aargoosanayso khiyaamadiisa bannaanka u soo baxday. Tusaale ahaan waxa ay xidhiidho illaa xad xidhiidh jinsi oo la ogaaday gaadhay la yeelatay qaar badan oo ka mid ah jilaaga filimada ee Maraykanka caanka ka ah, sida William Holden, Marlon Brando, Warren Beatty, Peter Lawford, Paul Newman, Gregory Peck, Frank Santra iyo kuwo kale oo badan.

Jacqueline sheekadeeda khiyaamada iyo gogol-dhaafka u badani intaas kuma ay koobnayn ee waxa uu buuggani ka sheekeeyey qisada awalba bannaanka u soo baxday ee sheegaysay in Marwo Jacqueline ay jacayl ay qarsan kari weyday u qabtay Hal-Abuurkii Faransiis ee Andre Malraux oo xitaa mar wax laga weydiiyey ay si cad u tidhi, “Waxa uu ahaa ninka keliya ee Faransiis ah ee aan bartay, ee aan jeclaystay in aan guursan lahaa”

Si kastaba ha ahaato ee buuggani waxa uu tilmaamayaa in ay jiraan dad badan oo aaminsan in Jacqueline ay madax wareer iyo isku buuq ka qaadday xidhiidhada tumasho ee odaygeeda oo xadhkaha goostay, illaa heer ay gaadhay in marar si nafsi ah ay u bukootay, saddex jeerna la geeyey cisbitaalo ah kuwa dadka qulubka iyo sakatigu ku dhaco lagu dabiibo.

Ugu dambayntii buuggu waxa uu sheegayaa in Jacqueline dhimashadii odaygeeda kadib iyada oo xidhiidho jacayl oo isku mar ah la wadda labada nin ee ay walaalaha ahaayeen odaygeeda xijaabtay, waa Boby iyo Ted ee in ay haddana xidhiidh la’ lahayd maalqabeen u dhashay dalka Giriigga Aristotle Onassis oo ay aakhirkiina isaga guursatay Shan sano kadib geeridii John F. Kennedy, isaga ayaana ay wada joogeen illaa sannadkii 1975kii oo uu geeriyooday. Dhammaad

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here