Dhibta iyo Dheefta Uu Talefanka Casriga Ahi U Leeyahay Carruurta

0
436

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee qormadii aynu kaga hadlaynay dhibaatooyinka iyo faa’idooyinka uu isticmaalka talefanka casriga ahi u yeelan karo carruurta:

– Baadhitaan lagu sameeyey isticmaalka carruurta ee talefannada gacanta ee casriga ah ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba 40 carruurta dalalkaa tijaabadan lagu sameeyey ku nooli ay ugu yaraan maalintii hal mar isticmaalaan talefanka. Daraasaddu waxa kale oo ay tilmaamtay in uu jiro xidhiidh ka dhexeeya isticmaalka carruurta ee talefannada casriga ah iyo warwarka ay waalidiintu ka qabaan dhibta ay arrintani ku keeni karto dhaqan ahaan ama caafimaad ahaan. Waxaana la ogaaday in boqolkiiba 70 illaa 80 waalidiinta ka mid ahi ay warwar joogto ah ka qabaan isticmaalka talefannada casriga ah ee carruurtooda, gaar ahaan in ay ka warwarsan yihiin carruurta oo ay u arkaan in ay ku talax tagayaan isticmaalka talefanka, ama adeegyada talefankani sahlayo oo ay uga baqayaan dhaqan ahaan ama ugu yaraan qiimaha aadka u sarreeya ee talefankan iyo adeegyadiisa ku baxa.

Dhinaca kalana waxa ay cilmi baadhistani iftiimisay in carruur badan oo da’doodu u dhaxayso 10 jir illaa 12 jir oo nool dalalka tijaabada daraasaddan lagu sameeyey ay si aad ah uga faa’idaystaan adeegga internet ka iyaga oo ka galaya talefannada casriga ah, meelaha ay sida gaarka ah uga faa’idaystaanna ay ka mid tahay maadadda xisaabta iyo arrimo la xidhiidha waxbarashada dugsiga ay ku dhigtaan, waxa aanay carruurta u leedahay faa’ido aad uga weyn ta’ ay ka heli karaan ciyaaraha kombiyuutarka ah ee ay awal aad ugu maaweeli jireen. Waxa ay khubaradu sheegeen in ilmaha 12 jirka ah ee maanta isticmaala talefanka gacanta ee casriga ahi uu aqoonta guud marka la eego ka dhisan yahay kana horreeyo qofka labaatan jirka ah ee 10 sano ka hor noolaa. Waxa ay khubaradani ku taliyeen in carruurta laga xakameeyo isticmaalka badan ee talefanka casriga ah iyo internetka lalana socdo waxa ay ku isticmaalayaan, laakiin haddana taasi aanay ahayn in laga mamnuuco, tusaale ahaan ha loo ogolaado labada maalmood ee fasaxa toddobaadka.

Dhibta ka dhalan karta:

In kasta oo ay xeel dheerayaashu ka sheekeeyeen faa’idada uu isticmaalka talefanka casriga ahi u yeelan karo carruurta haddana waxa ay qaar badan oo ka mid ahi caddeeyeen in ilmaha toban jir ka yar uu ku keeni karo khataro ay ka mid tahay in uu noqdo ilmuhu qof xidh-xidhan oo aan bulshada dhex geli karin, waxna la wadaagi karin oo gooni-socod ah. Taas oo ku imanaysa isticmaalka aaladdan oo ilmaha ka mashquulinaya in uu la socdo waxna ka barto dadka ku xeeran. Sidoo kale isticmaalka talefanka casriga ah iyo internet ku waxa uu ilmaha yar ku keeni karaa inuu hadalka si faseex ah u baran waayo ama in uu af-tahan noqon waayo ereyo badanna illaabo ama isticmaalkoodu ku adkaado, maadaama oo waqtiyada uu hadlayaa ay aad u yar yihiin. La soco…