Dhibaatada Uu Sababi Karo Mihnadlaha Caafimaad Ee Aan Aqoon Ku Filan Lahayni Iyo Sida La Isaga Hubin Karo

Published on Apr 22 2014 // Warar

Picture1Hargeysa (Geeska)- Marka aynu xanuun dareenno waxa aynu u tagnaa dhakhtar ama mihnadle caafimaad si aynu talo, iyo dawo uga qaadanno, weliba marka aynu dhakhtarkaas ama mihnadlahaas la kulanno waxa aynu nafsadda ku qancinnaa in aynu gacmo aamin ah ku jirno oo wax kasta oo uu miihnadlahaasi sheego ama dawo kasta oo uu qoraa ay tahay tii beegsanaysay halka ina bukta. Laakiin waa fikrad qaldan!!!

Inta aynaan kalsoonidaas buuxda siinin mihnadlaha caafimaad ee aynu u tagno  waa in aynu marka horeba niyadda ku haynaa in haddii aanu aqoon iyo waayo-aragnimo ku filan u lahayn caafimaadka uu qaladaad badan oo aqoon-darradu sabab u tahay geli karo, taas oo galaafan karta nafteenna ama nafta ruuxa aynu jecelnahay.

Mar kasta oo ay cilmi baadhayaashu qiimayn ku sameeyaan qaladaadka caafimaad ee ka dhaca cisbitaallada waxaa soo baxa in tirada qaladaadka iyo dhibbanayaasha aqoon-darrada caafimaadku ay intii lagu ogaa ka sii badanayso, xataa dunida horumartay. Tusaale ahaan, warbixin ka soo baxday sannadkii 2010kii, oo fadeexad sida miinada uga dhex qarxisay bulshada caafimaadka ee dalka Maraykanka ayaa shaaca ka qaadday in dad ka badan 180 kun oo qof ay sannad kasta u dhintaan qaladaad caafimaad oo ka dhacay cisbitaallada ay caafimaadka ka raadsadeen. Warbixin kale oo uu dhowaan qoray joornaal ka faallooda arrimaha caafimaadka oo la yidhaahdo, Journal of patient Safety ayaa iyaduna saadaalinaysa in laga bilaabo sannadkan 2014ka ay dad tiradoodu u dhaxayso 210 kun illaa 440kun oo qof sannad kasta u dhiman doonaan qaladaad laga hortagi karo oo ka dhacaya shaqaalaha iyo maamulka cisbitaallada, dhakhaatiirta ama kalkaaliyeyaasha caafimaadka. Taas oo macnaheedu noqonayo in dalka Maraykanka tirada dadka ugu dhimanaya qaladaadka dhakhtarku ay kaalinta saddexaad ka geli doonaan xaaladaha caafimaad ee sababa dhimashada dadka, waxaana ka horreeya oo keliya Wadne Istaagga iyo Kansarka.

Waa tiro naxdin badan, oo marka xaaladda dalkaas ee dhaqaale iyo horumar la barbar dhigo ta ka jirta dunida saddexaad iyo gaar ahaan dalkeenna, inoo bidhaamin karta in xaalku meel khatar ah inala marayo, in la sii eegtaana ay tahay qalad taariikhda laga gelayo. Waxaa la gaadhay xilligii aynu siyaasad cad iyo xeerar ciqaabeed oo qeexan ka yeelan lahayn, waxa aynu ka yeelanayo bukaanka maalin iyo habeenba u la’anaya dayacaadda iyo tayo xumada adeegyada caafimaad ee dalka ama aqoon darrada dadka caafimaadka ka shaqeeya,  waxaa la joogaa xilligii aynu hubin lahayn qalabka ay dhakhaatiirteennu isticmaasho tayadiisa iyo aqoonta ay isticmaalkiisa u leeyihiin, waxaa la gaadhay xilligii aynu qiimayn lahayn nafta muwaadinka ee ayn si adag ula xisaabtami lahayn mihnadlayaasha caafimaad ee laga yaabo in ay dhayalsadaan waajibaadka culus ee ka saaran bukaanka caafimaadka soo biday. Waxaa oo dhamina waxa ay ku fududaanayaan innaga oo ixtiraamna Xeer lr.19/2001 ee golaha sharci dejinta Somaliland u dhigay nidaaminta iyo hagidda waajibaadka shaqo ee Komishanka Qaranka ee Mihnadaha caafimaadku arrimahaas wax kaga qabanayaan.

In kasta oo aanu weli dalkeennu u bislayn heer aynu samayno tiro koob si sax ah inoo tusa khasaaraha nafeed ee ka dhasha qaladaadka caafimaad ee dhaca, haddana waxa aanay laba Cali ku muransanayn in maalin kasta iyo saacad kasta ay dhacaan qaladaad kumannaan qof galaaftay ama dhaawacyo iyo cudurro aan ka soo kabasho lahayn ku keenay. qaladaadka ugu naxdinta badan ee dayacaadda iyo gaabiska mihnadlaha caafimaadka ku yimaadda ama aqoon darradu keentana waxaa ka mid ah.

 

Dhakhtarka been abuurka ah:

Haddii ruux kasta oo caafimaadka ka bartay inta lagu sameeyo adeegga gurmadka degdegga ah, ama aan dhamaystiran aqoontiisii caafimaad uu dhakhtarnimo ku shaqeeyo ama isaga oo dhakhtar ah uu sheegto takhasus aanu lahayn, waxa aynu dhakhtarkaas ku magacaabi karnaa dhakhtar been-abuur ah.

Maxaa ka dhasha?

Daweyntii oo midho dhal noqon weyda ama keentaba xaalad ka xun tii bukaanku ka cabanayey, halkii ay ka ahayd in uu ka soo reeyo.

Sidee looga hortegi karaa?

Bukaanku waa in uu iska hubiyo aqoonta iyo takhasuska dhakhtarka uu u tegayo.

Sidee loo hubin karaa aqoonta dhakhtarka?

Maadaama oo laga yaabo in ruuxa bukaanka ahi aanu aqoon u lahayn caafimaadka, sidaa awgeedna aanu qiimayn karin dhakhtarka ama aanu waqtiguba u saamaxayn in uu ka waraysto aqoontiisa, sida ugu fudud ugana fiican ee uu dhakhtarka iskaga qiimayn karaa waa in uu weydiiyo ama hubiyo in uu dhakhtarkaasi ka diiwaan-gashan yahay Komishanka Qaranka ee mihnadaha caafimaadka oo ah hay’adda sharciga ah ee uu dalku u igmaday in ay baadho, hubiso kadibna diiwaangeliso dhakhtarka iyo mihnadle kasta oo caafimaad. In aynu dhakhtarka ka helno shahaadada aqoonsiga ee komishankan oo magaciisa loo soo gaabiyo NHPC ayaana innaga furanaysa hawshii iyo dadaalkii ay inooga baahan lahayd hubinta aqoonta mihnadlaha caafimaadka.

Ugu dambayntii dhakhtarku waa in uu ogaado in aakhiro iyo adduunba lagala xisaabtamayo hawlaha xirfadeed ee uu ku dhex jiro, sidaa awgeed ficil kasta oo uu samaynayo iyo tallaabo kasta oo uu qaadayo waa in uu sii diyaarasado jawaabta uu ka bixinayo su’aalaha ka soo noqon kara iyo dacwadaha ka dhanka ah ee ka dhalan kara, sidoo kale muwaadin kastaa si uu u hubiyo aqoonta uu mihnadda caafimaadka u leeyahay dhakhtarka uu u tagayo ama ruuxa uu jecel yahay u geynayo waa in uu marka koowaadba waraysto iskana hubiyo in uu mihnadlahaasi ka diiwaangashan yahay komishanka qaranka ee mihnadaha caafimaadka.

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!