Dhibaatada Caafimaad Ee Qofka Waxaa Laga Garan Karaa Calaamado Ka Soo Ifbaxa Wejigiisa: Gadhka, Dhegaha, Dhafoorrada, Dhabannada iyo Qoorta

0
38

London (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee qormadan waxa aynu ku dul istaagaynaa qayb kasta oo wejiga ka mid ah calaamadaha haddii lagu arko lagu garanayo xaaladda caafimaad darro ee qofka haysa.

Gadhka

Furuuruc iyo finan lagu arko gadhka xilliga uu qofku dhalinyarada yahay, sababtoodu waa keliya is bedellada dhinaca abuurka ah ee qofka xubnihiisa iyo unugyadiisa kala duwan ku yimaaddo xilliga korniinka, sida oo kale marka uu qofku marayo da’aha labaatanaadka iyo soddonaadka oo mar kale si xawli ah ay u dhacaan isbedelladaasi ayaa qofka lagu arkaa. Waxa kale oo ay sababtu noqon kartaa fuuq-bax ama xanuun keliyaha ah, cillad dhinaca hormoonnada ah ama xanuun caloosha ka jira.

Waxa ay dhakhaatiirtu ku taliyaan in haddii xaalkan oo kale yimaaddo uu qofku cuno cuntooyinka hodanka ku ah dheecaannada, sida khudradaha ay ka mid yihiin Cambe babaayga, Cananaaska, Afakaadhada, cambe maanga, Saliid Saytuunta iyo in uu badsado cabbista biyaha, kuna dadaalo in uu habeenkii hurdo ku filan seexdo.

Dhegaha iyo dhafoorka

Haddii finan ama furuuruc lagu arko dhegaha, dhafoorka ama indhaha hoosteeda waxa ay taas sababteedu inta badan noqonaysa hurdo yaraan, ama daal badan oo uu jidhku tirsanayo. waxa kale oo ay sababtu noqon kartaa, keliyo xanuun, jidhka oo dufan dheeraad ah dibadda u soo saaraya ama xaalad nafsiya sida qulubka.

Qofka xaaladdan isku arka waxa ay dhakhaatiirtu kula talinayaan in uu cabbo ugu yaraan 8 koob oo biyo ah maalin kasta. Haddii uu xaalku intaas ku tegi waayo waa in uu dhaqso dhakhtar ula xidhiidho si loo hubiyo sababaha aynu soo sheegnay in ay jiraan.

Dhabannada

Dhabannadu waxa ay u qaybsan yihiin laba; qaybta sare oo lagu arko furuuruc ama isbeddel midabkooda ku yimaadda iyo finan waxa ay xidhiidh la’ leedahay sanboorka. Haddii qaybta hoose ay tahayna waxa ay xidhiidh la’ leedahay xanuun afka ka jira. Dhinaca bixid ee dhabanka oo lagu arkaa waa calaamad si weyn xidhiidh ugu leh xaalad caafimaad darro oo beerka ka jirtahaddii dhinaca lagu arkaa uu midigta yahayna waxa ay inta badan calaamad u tahay caafimaad darro ka jirta sambabbada, habdhiska neefsiga, waxa kale oo keena isticmaalka badan ee talefanka gacanta.

Daanka oo ah dhinaca hoose ee lafta daanka ku began waxa ay astaan u tahay nadaafad darro, calool xanuun iyo fayod-dhowrka qofka ku xeeran oo aan fiicnayn.

Waxaa iyaduna jirta in ay calaamad u noqon karto xaalado ay ka mid yihiin, caafimaad darro la xidhiidha xanuunnada xiiqda, xasaasiyadda, maqaarka, hawo aan nadiif ahayn oo uu qofku neersado, sigaar cabbista iyo jimicsiga oo qofka ku yar.

Waxa ay dhakhaatiirtu ku talinayaan in haddii xaaladdan la isku arko tallaabooyinka ugu horreeya ee ay tahay in la qaado ay ka mid tahay, in uu qofku cabbo caano ama cuntooyinka caanaha laga soo dheegto, in macaankiisa / sonkorta kor u soo qaado, in uu cuno khudradaha ay ka mid yihiin xabxabka, khayaarka iyo tamaandhada iyo in uu si fiican jidhkiisa uga nadiifiyo bakteeriyada.

Raqabadda

In raqabadda lagu arko finan ama furuuruc, midabkooda oo doorsooma iwm, waxa ay calaamad u tahay si guud in xaalad xanuun ahi ay jirto oo ay tahay in qofku uu baadhitaan buuxa sameeyo, waxa kale oo ay calaamad u noqon kartaa in qanjidhka raqabadda ee thyroid ka loo yaqaannaa uu shaqadiisii saxda ahayd ka gaabiyey, sida la ogyahayna hormoonka uu soo saaro qanjidhkani waxa uu ka masuul yahay in uu Kalastaroolka u beddelo dheecaanno, ay ka mid yihiin kuwo dawo aan wax loo dhigaa jirin ka ah fin doobka.