Dhibaatada Caafimaad Ee Biyuhu Keeni Karaan Marka Cunto Cunista La Raaciyo Ama Lagu Xigsiiyo

0
1010

Dad badan ayaa ay caado u tahay in marka ay cunaan cunto xilliyeedka culus in ay koob weyn oo biyo ah cabbaan, laakiin ma’ ogtahay in arrintaasi ay keento mushkilad weyn oo la xidhiidha dhinaca dheefshiidka iyo in macaanka dhiiggu uu kaco. Cilmibaadhiso caafimaad oo kala duwan ayaa xaqiijiyey in biyo la cabbo isla marka cuntada laga kaco ama isla marka cuntada cunisteeda la bilaabayaa ay sababto in calooshu ay soo deyn weydo noocyo ka mid ah dheecaannada muhiimka u ah in dheefshiidku cuntada si sax ah u burburiyo, taasina ay keeni karto dhibaatooyin caafimaad oo kala duwan.

Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya waxa aynu ku eegaynaa afar dhibaato oo ka mid ah dhibaatooyinka caafimaad ee ka dasha biyaha la cabbo isla marka cuntada cunisteeda afka laga qaado.

– Dibbiro (Naqas caloosha ku xidhma): Marka caloosha biyuhu ka buuxsamaan, waxa ay weydaa awoodda ay ku soo deynayso dheecaannada dheefshiidka caawiya, sidaa awgeed waxaa caloosha buuxiya  naqas dibbiro keenaya.

– Dhibaato dhinaca dheefshiidka ah: Cuntada oo si fiican u burburi weyda ayaa ka dhalata biyaha la cabbo isla marka cuntada afka laga qaado, taasina waa ay keentaa in cuntadaasi ay mari kari weydo midhicirada, waxa aanay sababtaa caloo istaag iyo in qofku uu dareemo calool olol, asiidh badna iyo in biyo kululi hunguriga dib uga soo noqdaan.

– Cuntada oo caloosha ku raagta: Sida qodobka sare aynu ku sheegnay asiidhka caloosha ku badanaya iyo dheefshiidka oo aan si fiican u shaqaynin iyo sida oo kale calool istaaggu waxa ay keenayaan in cuntadu ay muddo dheer ku jirto caloosha qaybaheeda kala duwan, taasina waa sabab kale oo sii badinaysa calool ololka iyo asiidhka caloosha.

– Macaanka dhigga oo sii kordha: Cuntada oo muddo dheer ku jirta caloosha oo ah cillad ka dhalata biyaha la cabbo cuntada kadib, waxa ay keentaa in uu kor u kaco macaanka dhiiggu, waxa aanak a dhasha mushkilado caafimaad darro oo kale.

Waxa ay khubarada caafimaadka cuntadu ku talinayaan in biyaha cuntada kadib la cabbo iyo biyaha cuntada lagu dhex cabbo aad la isaga yareeyo oo kabbooyin lagu soo koobo, sida oo kale waxa ay ka digeen in cuntada ka hor iyo isla marka laga kaco la cabbo biyo badan.