Dhawaaqii Ingiriiska Oo Noqday Mawdiicii Toddobaadka Ugu Hadal Haynta Badnaa

0
456

Hargeysa(Geeska)-Safiir ku xigeenka dawladda Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Somaliya danjire Andrew Allen ayaa salaasadii la soo dhaafay Hargeysa ka sheegay laba qodob oo sababay in bulshada Somaliland aad uga doodo.

Labadaas qodob ayaa kala ah shirka London ka qabsoomaya bisha May ee deeq bixiyayaashu u qabanayaan Somalida  oo laga reebay in Somaliland lagu casuumo dib u dhaca doorashada iyo muddo kordhinaha madaxweyne Siilaanyo dartood.

Qodobka labaad ee uu sida cad uga hadlay ayaa isna ah musuq-maasuqa iyo kaalinta muwaadiniinta reer Somaliland ee haysta dhalashada dalka Ingiriiska. Safiirka ayaa labadan qodob si faahfaahsan oo aan hore loogu arag diblomaasiyiinta Ingiriiska uga hadlay.

Qodobka koowaad ee shirka London, wuxuu si cad u sheegay inaan Somaliland lagu soo casuumi doonin shirkaas, ka dib markii uu dib u dhac ku yimid doorashooyinkii islamarkaana la sameeyay muddo kordhino laba ah, “Fursadaasi way luntay, markaan si cad idiinla hadlo.” ayuu yidhi isagoo sheegay in shirkaas ay Somaliland fursadi ugu jirtay.

Qodobka labaad ayuu isna sheegay inuu ogyahay  masuuliyiin ka tirsan dawladda Somaliland inay haystaan dhalashada Ingiriiska, waxaanu xusay in haddii lagu helo musuq-maasuq uu qabanayo sharicga la dagaalanka Musuq-maasuqa ee Ingiriisku.

Labadan qodob iyo sida uu uga hadlay diblomaasigan Ingiriiska ahi, ayaa waxay keentay inuu noqdo mawduucii ugu xaasaasinaa ee lagaga doodayay toddobaadkan dhammaaday goobaha ay bulshadu ku kulanto, waxaanay shacabku isweydiinayeen sababta keentay in dawladda Ingiriisku sidan cad uga hadasho arrimahan.

Dadka qaar ayaa aaminsan in hadalka diblomaasigani yahay farriin ay dawladda Ingiriisku u dirayso shacabka iyo dawladda Somaliland, kuwaas oo ay ugu yaraan doonayso inay wax dareensiiso.

Geesta kale, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in xubno ka tirsan xukuumadda Somaliland ay kulan gaar ah oo albaabadu u xidhanyihiin ka yeesheen dhawaaqa Ingiriiska, waxaana suurtogal ah in madaxtooyada Somaliland si toos ah ama si da’d badan uga jawaabto hadalada dawladda Ingiriiska oo ah kuwo ka cad hadaladii hore ee lagu yaqaanay diblomaasiyiinta Ingiriiska.

Afhayeenka Madaxtooyada oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino arrimahan ayaanay noo suurtogelin.