Dharaaro Xusuustood: Prof Maxamed Siciid Gees

Published on Apr 24 2014 // Columnists

Picture3“What matters in life is not what happens to you, but what you remember and how you remember it “ Gabriel Garcia Marquez

Waxa nolosha micno ka leh ,wixii aad ka xasuusatid iyo sidii aad u xasuusatid wixii ku soo maray “.Gabriel Garcia Marquez

Gabriel Garacia Marquez , oo geeriyooday bishan,waxa uu ahaa qoraa caan ah oo u dhashay dalka kolombiya ( Colombia ) ee ku yaal Latin America . Waxa uu ku guulaystay Abaalmarinta Nobel ee Suuganta sannadkii 1982 ,sheekadiisa  caanka noqotay ee la yiraahdo  “boqol sanno oo go’doon ah”, ama   afka qalaad “ One hundred years of solitude “ waxa loo tarjumay 37 af waxa laga iibsaday 30malyuun oo nuqul. Odhahda kor ku xusun isaga ayaa yidhi . Nolasha ku soo marta inta aad ka xusuusatid iyo sida aad u xusuusatid ayaa ka micno leh. Wixii aad ilaawday dee ilawday waxba kuguma kordhin. Sidaas darted ila deeho dharaaro xusuustood. Waa 26 Marso 2002 iyo caasimadda dalkaas Itoobiya ee ugu dad, xoolo, dhul , biyo ,iyo beero badan  Geeska Afrika. Waxan ka mid ahaa wafdi uu horkacayey  mudane Marxuun Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, aniga oo ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Soomaaliland.   Laba jeer oo hore oo kala ahaa 1998  ( wasiirka Qorshaynta ) iyo 2000  (Wasiirka maaliyadda )ayaan Marxuun cigaal u soo raacay dalkaaas Itobiya . Waqtiyada waxa Itoobiya inta badan laga hadli jiray wax wada qabsiga dhincyo badan sida: korontada, bankiyada, dekadaha, wadooyinka ,diyaaradaha ,iyo qunsuliyadaha. Wax badan ayaa ka hirgalay ,wax badanina waa dhinaayeen.

 

 “There is always something new out of Ethiopia.”Aniga dhinacayga markasta wax igu cusub ayaan ka ogaadaa  Itoobiya.  Waxa Marxuun Cigaal noo sheegay in markii uu  ka noqday Jamhuuriyadii Soomaaliyeed Wasiirka Kowaad ( Prime Minister )  inuu hagaajiyey xiriirkii ka dhexeeyey Itoobiya iyo ganacsigii iyo isu gudubkii .Waxa uu soo jeediyey in laga fekero nidaam maamul oo la wada samaysto si wax loo wada qabsado sida midawga Yurub oo kale waqtigaas. Waxa kale oo uu noo sheegay in markii askartu xidhay ee ay la wareegtay taladii dalka uu reerkiis joogay Jeneefa,dalka iswiserland. Waxa ka war helay Boqor Haile Salasse  deeto safiirkiisii Jeneefa joogay ayuu amar ku siiyey innuu reerkii u tago oo waxay u baahan yihiin u qabto. Hase yeeshee marwadii Cigaal ayaa markuu safiirkii u tegay ku qaylisay oo tiri “ maxaa xabashi ii soo arkay “.

 

Waxa jirtay sannadkii 1995 in Marxuun Cigaal warqad u qoray Meles Sinawi oo uu u soo jeediyey in Soomaaliland Iyo Itoobiya uu dhexmaro xiriir confederation  ihi. Arrintaas markaan weydiiyey diplomat Itoobiyaan ah waa uu ii xaqiijiyey ,waxase uu igu yidhi waxa uu Cigaal ku ruxruxanayey dalaka carabta ee kama dhab ahayn! Mar kalena wafdi reer Israel  ah ayaa dalka soo boqday oo magaalooyin badan tegay . Taas oo carabta diricyada iyo cimaamadaha qaadata ruxruxay . waxa loo soo dhiibay Madaxweynaha Yemen ee waqtigaas Cali Cabdulla Salax soo jeedin ah waxa aannu idiin ictiraafi karnaa haddii aad sheegataan Jamhuuriyaddii Soomaaliya inaad tihiin idinka oo sidiinaas ah. Marka uu sidaas leeyahay waxa joogay madasha Madaxweynaha hadda  ee Yemen Cabdo Rab Mansuur oo markaas Madaxweyne Ku Xigeenka Yaman ahaa. Hore ayaa loo yidhi xaglo laaban xoolo laguma helo . Hadda  xaglo laaban ictiraaf kuma yimaado ee waxbaa  la dhaqdhaqaajiyaa.

 

Boqashada Itoobiya ee markan  waxa ay ka dambaysay martiqaad iyo diyaarad loo soo diray  Marxuun Cigaal. Marxuuunku  waa xanuunsanayey ,firfircoonidii ma jirin markan. Waxa uu nagu yidhi aniga iyo Axmed Yusuf Ducaale iyo Marxuun Cabdullaahi Askar.” Ninkan Sinaawi si cad ayaan ula hadlayaa , haddii aad I raacdaan , isna colkiisii ayaa soo fadhiisanaya , keli ayaan doonayaa inaan ka helo ee manta iska joogaa” . Sidaas ayey keligood ku kulmeen.

Marxuun waxa uu noo sheegay markuu ka soo noqday kulankii aniga iyo Axmed Yusuf Ducaale ,innuu  ictiraafka Somaliland  weydiisday  Meles Sinawi iyo xukuumadiisa. Waxa uu u sheegay in Meles arrintaas la qaatay  hase yeeshee uu  ku yidhi horta arrinta ayaan u soo  sheegayaa madaxweynayaasha South Afrika Mbeki iyo Nigeria ee Mbeki iyo Obasanjo oo ay kulmayaan bisha Mey. Aduunyo baalaley ,bishii Mey  Marxuun Cigaal ayaa allaystay . Innaa  lilaahi wa innaa ilayhii raajicuun.

Nin la odhan jiray Cigaal Cali oo fardo badan ku dhaqan jiray sanaag, ayaa saddex nin fardo weydiisteen. Labo ayuu fardo siiyey kii sadexaadna waxa u balan qaaday inuu gu’ga siin doono . Ninkii oo balan qaadkii ku soo sadcaalay oo dhaxda soo socda ayaa loo sheegay geeridii Cigaal Cali. Deeto Gabay ayuu tiriyey.

 

Geerida Cigaal Cali dishay

Ee calaf sugaysaay ba’

Anna caadlihii aan filanayey

Iyo codsashadaydiiyeey ba’

Cigaal Cali inankiisii ayaa gabaygii maqlay deeto ninkii ayuu u yeedhay oo laba faras siiyey . Soomaaliland cidina uma yeedhin,ictiraafna ma siinin.

Waxse  la yidhi doqoni saafin carro loogu riday sad bursiinyo ma mooddo.Laba mashruuc oo wax wayn ka beddeli lahaa xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliland geeridii Cigaal ka dib oo hadda laga joogo 12 sanno waxa ku dhiiran waayey dawladihii ka dambeeyey.: b- heshiishkii sheikh Camuudi ee Dedekadda Berbera. t- Marine Cable telefoonka ah oo ay keentay Itoobiya oo ay lahayd sharkad maraykan ihi ,oo iyadu maalgelinta lahayd ,  dawladaha Soomaliland iyo Itoobiyana ay  la lahaanayeen.  Muddo dheer ayaan dheesha iyo garoonka siyaasadda geeska afrika aan ku keli ahayn dhinaca Soomalida. Hadda waxa soo kordhay Dawlad Soomaaliyeed oo la ictiraafsan yahay oo Itoobiya ictiraafsan tahay oo ciidamadeedu joogaan oo waxay doontaba ay ka dhamaysan karayso. Dhinaca Itoobiyawaa madax cusub. Diplomaat aan hore isu niqiin ayaan la sheekaystay , waxa uu ii sheegay in dawlad Soomaaliyeed oo la ictiraafsan yahay meeshii timid ,oo xitaa Soomaaliland ay ictiraafsan tahay ,oo wada hadal la gashay .Maxaa ku u baxay !!

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!