Dharaaro Xusuustood: Prof. Maxamed Siciid Gees – Qeybtii 21aad

Published on Feb 27 2014 // Maqaalo, Warar

Picture1Waxyi iguma soo dego, Haddana wax ima seegaane

Gabdhaha iyo Ragga Soomaaliyeed ee warbaahinta dunidu ay wax ka qortay kala mudanaa, oo kala duwanaa. Bal hadda dhaayahaaga la kaasho. Wax ma ku qaadan doonaa, mise waa sheeko baraley. Edna Adan Ismaaciil waxa la sheegay inay sannadkan ku guulaysatay inay ka mid noqotay afar qof oo Jaamacadda “University of Pennsylvania” ay ku maamuustay shahaado-sharaf ah Dhakhtarnimo ama “Honorary Doctor of science,” taas oo lagu tixgeliyey hawlaha Horomarinta Caafimaadka Dumarka ee ay waddo oo ay u dhistay Cusbitaalka iyo Jaamacadda Caafimaadka iyo weliba faafinta iyo Horomarinta Xuquuqda Haweenka.

Haddana dadaal ay samaysay Edna Adan Ismaaciil, ayaa lagu dawaynayaa gabadh Soomaaliyeed cusbitaal ku yaalla dalka Australia  oo mudda labaatan sanno ka badan wejiga xabbadi ka burburisay iyada oo carruur ah dagaalladii dalka ka dhacay ee ay ragga Soomaaliyeed wadeen ilaa haddana ay wadaan.

Fahma Maxamed waa gabadh Soomaaliyeed oo ku nool dalka Boqortooyada Midawday (UK), waxa iyana warbaahinta caalamku ka warrantay halganka ay ugu jirto joojinta Gudniinka Fircooniga ee lagu gabdhaha sameeyo.

Arrintan waxa taageeray oo waraaqo u qoray Wasiirka Waxbarashada ee dalkaas Mr Gove laba boqol oo kun sidii uu u qaabili lahaa Fahma Maxamad oo wax ula qaban lahaa, kaas oo qaabilay Fahma oo qaatay soo jeedinteedii ahayd in maamulayaasha Dugsiyada dalkaas oo dhan Wasiirku warqad u qoro, kuna wargelinayo in laga dedaalo oo laga hortago gudniinka gabdhaha dugsiyada dhigta, waxana soo bogaadiyay Xoghaya Guud ee Jimciyadda Qaromaha Ban KI-moon. Waa guul iyo magac u soo hoyatay dadkan Soomaaliyeed ee kadeedan ee dhibaato wax aan ahayn laga sheegin.

Waxa kale oo mudan magcaabid Marwo Khadra Xayd Marwada Kowaad ee dalka Jamhuuriyadda Djibouti oo Cusbitaal ka dhisaysa Degmada Kalabaydh – Gobalka Gabiilay ee Jamhuuriyadda Somaliland, halka dawladda Djibouti ee raggu xukumaan ay hub iyo ciidan u dirtay dalka kadeedan ee Soomaaliya.

Haddii aan u gudubno dhinaca carriga Maraykan iyana waxa warbaahinta sheegtay in gabad la yidhaahdo Ladan Cismaan ay ku guulaysatay gabayo ay afka Ingiriiska ku qortay oo la siiyay abaalmarin, oo la daabacayo buuggeeda gabayada ah ee lagu magcaabo “The Kitchen Dweller’s Testimony.” Qolada siisay abaalmarinta waa la yidhaahdaa “Sillerman First Book Prize For African Poets.” Abaalmarintan oo sannadkiiba mar la bixiyo sannadkan waxa heshay Ladan Cisman oo ah gabadh Soomaaliyeed.

Waxa guulahaas barbar socdaa dilka, af-duubka, is-qarxinta, budhcad-badeedka iyo dhibaatooyinka ay fulinayaan ragga Soomaaliyeed ee magac-xummadda u soo jiidaya dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. 

Culimada barata Cilmiga Maskaxda iyo Garaadka Dadka ee la dheho “Social Psychology” waxay cilmi-baadhis ku sameeyeen laba qolo oo ah daayeerada dadka u eg. U-ekaanta guud mooyaane waxa aynu wadaagnaa boqolkiiba sagaashan hidda-socyada (94%) of the genes, kuwaas oo lagu kala magcaabo: Bonobo iyo Chimpanzee, noloshooda iyo hab-dhaqankooda.

Waxa ay sheegeen Culimadu in qoloda Bonobo ay ku yar tahay dirirto iyo is-dilku, qolada chimpanzee ay ku caan tahay diritu iyo dilku iyo dagaalku, oo la isku duulo oo qolo-qolo la isu dilo, iyada oo ay sabab u tahay qoloda nabadda iyo jacaylka ku nool ee carruurta la wada koriyo ee qariibka soo dhowaysa ay maamulka iyo dhaqaalaha bulshada wax kuwa leeyihiin dhedigu ama dumarku oo haddii kuwa laba ay dirir sameeyaan ay isugu tagaan, halka qolada dagaalka iyo dirir kooxeedka ku nooli ay maamulaan daaxuuradu ama cooflayaashu “alpha male” oo aan dhedigu wax awood ah ku lahayn maamulka iyo dhaqaalaha bulshada.

Sidaa darteed, waxa arrintaas laga saadaaliyey xagga dhinaca dadka bulshada dumarku ay awood dhaqaale iyo maamul oo la mid ah ka ragga ay leeyihiin, waxa dhacda in bulshadaasi ay tahay mid nabadda iyo wax wada qabsigu iyo naxariistu ku xoogan tahay. Bulshada dumarku aanay lahayn xuquuq la mid ah xuquuqda ragga waxa ku badan dirirta iyo dagaalka iyo is-dilka iyo naxariis laaanta. Waxa tusaale looo soo qaataa dalalka Bariga Dhexe ee Carabta iyo kuwa Afrika ah ee dumurku lagu yaso aanay xuquuqda ragga lahayn, halkaas waxa ku badan dilka iyo dirirta iyo is-qabdka, dhinaca kale ee dalalka horumaray ee reer galbeedka ee xuquuqda dumarka wax loo oggolaaday, inkasta oo aanay weli gaadhin ragga, waxa ka jirta nabad iyo istaakulayn iyo naxariis.

Bal akhristaw eeg warbaahinta dunidu waxay sheegtay laba iyo toban kun (12000) oo Soomaali ah oo laga soo tarxiilay dal hodan oo carab oo aan jaar nahay, halka Boqolaal kun oo Soomaali ah la dejiyey dalalka Reer Galbeedka oo sharci iyo nolol la siiyey, iyada oo laga naxay daruufaha nololeed ee dalkooda ka jira. Dalkaas Carbeed waa dal aan u ogolay wax xuquuq ah dumarka oo aan xataa inay keligood socdaalaan loo oggolayn. Wax raad ah bulshada maamulkeeda iyo siyaasadda kuma ku dhex laha, sidaas darteed naxariistu wa ku yar tahay bulshadaasi. Waa kaas soo tarxiilay qaxootigii, dunida oo dhami gaal iyo islaam la soo dhoweeyey.

Hadal iyo dhammaantii aan u ogaalanno xuqooqdooda dumarkiina, oo golayaasha aan kuraasi koote ah ka siino, Wasiirrada aan u badino, Guddomiyaha Golaha Wakiillada, Maayarada aan qaar ka dhigno dumar, xataa Madaxweyne qof dumar ah aan maanta dooranno dhinaacaas ayaaba ictiraafkii ka dhaw yahay. Wasaarad waxbarashada gabdhaha ah gaar u ah aan samayno, bankiyo dumarka dhaqaale u abuura ha la sameeyo si ay u soo baxaan boqolaal Edna, Fahma, iyo Ladan.

 

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!