Dharaaro Xusuustood: Prof. Maxamed Siciid Gees – Qeybtii 20aad

Published on Feb 20 2014 // Maqaalo, Warar

Picture2Fariidnimadu ina ragaw

Waa inay ku filaataaye

Adaa ugu firoon uunka

Waada kaga fogaateeye

Fircoon halkuu gaadhay

Baad afooda gelisaa eeh

Xasan xayle

Dharaarahan waxa ina saaran dhado muran ah oo ka dhalatay is-qabadka Shirguddoonkii Golaha Wakiillada. Waa markii labad ee muran caykani ihi ka dhex dhaco Golaha Wakiillada oo ay xubnaha Golahu u kala jabaan laba garab oo ku kala tiirsan Xukuumadda iyo Mucaaradka.

Is-qabadkii hore waxa uu dhacay sannadkii 1995 oo waa kii galaaftay Guddomiyihii Golaha waqtigaas oo ahaa Mudane Axmed Cabdi Xaabsade, taas oo dhalisay inuu iskaga huleelo Somaliland oo ka maqnaado muddo dheer.

Macallin aan wada shaqayn jirnay ayaa waxa uu lahaa arrin yaab leh oo ah isaga oo hurda ayuu kici jirayn oo dharka xidhan jiray oo kadinka guriga ka bixi jiray, haddii aan cidi qaban waxa dhici jirtay inuu meel ku dhaco oo markaas tooso . Dhawr jeer ayuu siktay oo khatar naftiisu gashay.

Cudurkaas waxa la yidhaahdaa afka qalaad “Sleep walking” Hadda waxa la moodaa in jiradaas oo kale ku dhacday Golahii Wakiillada oo uu isaga oo hurda uu dhaqaaqay oo uu jar ka dhacayo (sleep-walking into disaster), haddii aan cidi u bixin oo ka qaban.

Is-qabad Shirguddoon, Guddiyo kala beddel aan la isla ogayn, daadifayn aan la isla ogayn, soo jeedin ayidaad ah, Maxkamad Sare , Madaxtooyo, wax ka beddelid Xeer-hoosadkii, hoos-u-dhigid hab-maamuskii ku-xigeennada, rogaal-celin iyo soo jeedimo kale oo ka dhan Guddomiyaha. Waxaas oo dhan oo socda oo ay wadaan Xildhibaannadii miyaanay ayaka hurda soconayn oo jar iska xoorayn.

Toddoba iyo toban sanno Xeer-hoosadkii lagu xalilay khilaafkii hore ee Golaha sidee dib loogu furaa oo loo beddelaa? Waaba lagu soo dhaqmay muddada dheer si nabad ah. Shirguddoonka siddeeda sanno miiska wada fadhiyey oo xalaal iyo xaaraanba gacanta wax wada geliyey oo wax wada shirqoolay waqtigii Madaxweyne Rayaale agoorma ayey is nacee? Xagee lagu socdaa? Haddii la soo jeediyey qaladkii ha lag noqdo ,maxaa dhincii kale ugu adkaysanayaa in la sii furo xeerkii oo uu au aqbaliwaayey . Ifafaalahaas oo dhami waxay ku tilmaamayaan in xildhibaanadu ay “sleep-walking into disaster” waar ma garatay. Baadidu meel aany jirin ayaa laga daydayaa.

Waxa arrintan sabab u ah habka saddexda xisbi kaas oo xasilooni dari ku abuuray siyaasadda Somaliland; oo aakhirka galaafan doona haddii aan laga guurin. aIlaa maalintii lagu daray qodobkaas dastuurka ee xalaalaynaya asaddex xisbi aqudha aad ayaa looga qayshay. Dad badan Marxuun Cigaal ka mid ahaa iyo aqoon yahanno ayaa ka digay awax ka beddelid ayaa lagu soo dhigay oo Golayaasha loo gudbiyey hase yeeshaa dib ayey uu soo cesheen oo dhagaha furaysteen, maanta ay damabarsanayaan taladii waa la maqliwaayey.

Hadda ayey muuqataa xisbi lahaa 31 mudane oo golaha wakiilada ah ayaa la yidhi waa aad hadhay waa UDUB. Xildhibaanadiisii ayaa marba dhinca codka u bixinaya oo fulaacaya ilay cid ay ku xidhan yihin ma jirto xisbigoodii waa la tirtiray ay u dhaarteen oo magaciisa ku soo baxeen. Marna bidix mana midig ayey codaynayaan. Kaaga daran eh, haddii xubin ay ka baxdo golaha waxa lagu bedelaa xubintii ku xigtay liiskii xisbgii ee UDUB, ee la yidhi waa la tirtiray oo waa sidee? Xisbi marna jira marna aan jirin, xagee lagu arkay sharci sidaas ah . Waxba kama ay odhan 440 garyaqaan ee Jaamacadda ka soo baqxay cidina cilmi baaadhis kuma samayn arrintaas sharciyadeeda.

Golaha Guurtidu Falsafad ahaan waxa uu ku dhisan yahay inuu illaaliyo dhismaha qaranka. Inuu illaaliyo in Waaxda Fulintu Jirto iyo in Waxda Shaci dejintu gaar ahaan Golaha Wakiiladu u jiro, maadama ay adag tahay in dib loo yagleelo dhinca dhaqanka Soomalida maamul cusub oo dawladeeda waxa laga sii fekeray inaanu amarnba daaqadda ka bixin tiirarka qaranku. Sidaas ayaa loo siiyey Golaha Guurtida awoodda mudda kordhinta Madaxweynaha iyo Golaha Wakiillada . Waa arrin aanay fahmi Karin Khawaajayaashu iyo kuwa la hal maala ee sidooda u fekera.

Duruufaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed iyo waxa ka dhalan kara ayaa lagu dhisay Guurtida inay badbaadiso jiritaanka qaranka, Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada, sidaa darteed Gurtida waxa waajibkood kowaad yahay badbaadinta iyo jirtaanka Golaha Wakiilada, markan iyaga oo aan eegay cidda ay ku ciiridoonto taladu.

 

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!