Dharaaro Xusuustood: Prof. Maxamed Siciid Gees, Qaybtii 24aad

Published on Mar 20 2014 // Warar

Picture4Marxuun Xaaji Ibraahim Nuur: “Maalintu waa maalin weyn dhankayga. Waxan sidaas u leeyahay, waxa aannu hor joognaa Haybadle Boqorka dawladda ugu fac weyn Afrika. Waxa aannu ku jirnay muddo siddeetan (80) sanno ah gacanta gumaysi shisheeye ah. Markii u horreysay ayaannu maanta toos kula hadlaynaa Haybadle.

Markii aannu ku guulaysanay in aannu ku qancinno Xukuumadda Boqortooyada Midawday (UK) inay na siiso xoriyaddayada, ayaannu goosanay in aannu kula kulanno Haybadle oo ku weydiisanno taageero iyo gacan qabasho maanta oo aannu aad ugu baahan nahay arrintaas.

Waxa kale oo aannu ku caddaynaynaa oo Booqashayadu ku muujinaynaa in xagayaga wax colaad ah loo qabin Boqortooyada Itoobiya. Waxa kale oo aannu kugu nimi kalsoonida aannu kugu qabno oo aanay waxba ka jirin wararka beenta ah ee sheegaya in Itoobiya ay na soo weerari doonto marka aannu gobanimadayada qaadano.

Ugu dambayntii, waxa aannu Haybadle kugu nimi inaad naga aqbashid codsigayaga uu ka dhawaajiyey madaxa wefdigayagu, annaga oo filayna inaad gacan nagu siisid sidii aan u hanan lahayn gobanimadayada.

Mudane Axmed Haaji Ducaale: “Saaxiibaday ayaa yidhi wixii la odhan lahaa ee aannu u soconay. Waxa aan Illaahay ka baryayaa naxariistii iyo soo dhowayntii la i tusay ee la igu qaabilay in la tuso lagu qaabilo Soomaali oo dhan.

Amaantii iyo wixii aan Haybadle kaa sheegi jiray ayey maanta halkan ka yidhaahdeen Wasiirradii kale, waxan rajaynayaa in go’aankaagu noqdo mid Soomali oo dhammi ay kugu mahadiso. Markii Isticmaarku i kadeeday ee aan ka soo cararay, Haybadle adiga ayaa i kafaalo qaatay. Marnaba ma ilaabin naxariistaada, mana ilaabi doono.

Haseyeeshee, Haybadle, abaalka loo galo dal iyo dad dhan ayaa ka mudan abaalka loo galo qof keliya, haddii aad na taageertid manta waxay u noqonaysaa Afrika tallaabo fiican. Waxan aaminsan ahay wixii aad go’aamisaaba ,inuu annaga iyo saaxiibadayoba naga farxin doono, cadawgna niyad-jebin doono.

Marxuun Cali Garaad Jaamac: “Wax yar ayaan ku darayaa intii hortay la sheegay. Sida Hoggaamiyahayagu iyo Wasiirkii iga horreeyey ay sheegeen, waxa la inoo kala geeyey warar dire-diraale ah oo aan run ahayn. Waxa aannu maanta kuu caddaynaynaa in aannu aqoonsan nahay Boqortooyadaada, oo aanaan u hayn wax colaad ah dalkaaga.

Waxa kale oo aan kuu sheegaynaa in ujeeddayadu tahay midaynta dadka Soomaaliyeed ee siddeetanka sanno kala qaybsanaa, hase yeeshee waxan kuu caddaynayaa, in midawgaasi aannu ahayn mid Haybadle lagaga horjeedo ,ee waa mid sharaftaada iyo magacaaga sare u sii qaadi doona.

Labadeena dal ee Walaalaha ihi ee aad idinku naga fac weyn tihiin col ma noqon karno, mana kala noolaan karno. Waxa na loo sheegay in Haybadle aanad ka raalli ahan midawgayaga. Waxa aannu ognahay haddii aanad taageero nagu siin arrintaas aan waxba nooga suurtagelayn.

Haybadle waxaad tahay qof mudan oo magac iyo maamus ku leh dunida oo dhan, codkaaga aad ayaa loo qiimaynayaa, haddii aad na taageertid Dadka Soomaaliyeed waxay kuu haystaan inaaad Odaygoodii tahay, sidaas darteed wax nagala qabo xoriyadayada iyo midawgayga.

Maanta Soomaali oo dhammi waxay sugaysaa waxa aad ka qabtid codsigayaga. Dunida kalena sidaas ay war u sugayaan. Hadda ayaan ka qaadanaynaa gobanimadayada Biritish-ka, haddii aad nooga dayrisid codsigayaga adoo Odaygayagii ah Biritish-kii ayaa odhan doona annaga ayaa midawgiina idinku taageerayna. Ma rabno inay sidaasi dhacdo oo ay iyagu ku abaal sheegtaan. Innaga oo dhibaatooyinka kale iska ilaawayna hadda waxaannu kaa codsanaynaa Haybadle inaad noo soo celisid dhulkii Dawladda Biritish-ku ku wareejiyey sannadkii 1954kii.

Soo celintaasi wax weyn ayey u tahay dad kuwaaga la mid ah. Dadka halkan ku dhashay Itoobiya iyo kuwa ku dhashay Somaliland, labaduba waa u baahan yihiin Haybadle raxmadaada ee fara madhnaan ha nagu dirin.

 

(La Soco jawaabtii Haybadle Boqor Haille Salassie, qoraalka dambe)

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!