Dharaaro Xusuustood

0
389

Maxamed Siciid Gees – Hargeysa

Tunka ka leefa dhiigga’iyo, ilmadda idinka tiixays,

Oo haddaba ku tooga baxa, waa jannada talalaxdeedii eh

Abwaan Cali Jaamac Haabiil (AUN)

Xilligii Khawaajuhu (shisheeyuhu) wax ka qori jiray Soomaaliga ee Soomaalidu aanay wax iska qori jirin, ayaa xafiiskii Gumaysiga Boqortooyada Midawday (United Kingdom) waxa ay cilmi-baadhis dhinacyo badan ah ka samaysay Maxmiyaddii Somaliland oo xayn khubaro ah u soo diray, kadib markii uu dhammaaday Dagaalkii Labaad ee Dunida (WW2).

Cilmi-baadhistaas oo la waday intii u dhexaysay (1944 ilaa1948), waxa loo bixiyey “HUNT REPORT” iyada oo loogu magac daray khabiirkii hoggaaminayey cilmi-baadhistaas oo la odhan jiray John A. Hunt. Waxay koobaysay baadhitaan, dhinacyada bulshada: tiradeeda, dhaqan-nololeedkeeda, khayraadka iyo macdanta dalka Maxmiyadda Somaliland.

Waxa xusid mudan oo xiiso leh gunnaanadkii warbixinta; khayraadka macdanta, xoolaha iyo dhirta Eebbahay dhigay dhulkan Somaliland ee laga warbixiyey ka sakow, waxa gunnaanadkii noqday hodannimada Somaliland waa dadkeeda. Waar bal day waa dadka oo ah kuwa maskax badan oo furfuran oo si dhakhso ah ula qabsan kara nolosha cusub iyo aqoonta. Bal eeg durba dhallinyaradii u haajirtay qurbaha rag iyo dumar oo ka mid noqday Golayaasha looga taliyo dunida horumartay ee Woqooyiga Maraykan iyo Yurub, halka ay kuwa kalena ka dhex muuqdeen suuqyada lacagta iyo dhaqaalaha caalamka.

Duuliyeyaashii waday diyaaradihii lagu garaacay Daraawiishta sannadkii 1918-kii, mid ka sii noolaa ayaa la waraystay sannadahii siddeetanaadyadii (1980s); waxaanna la weydiiyey cidda u samayn jirtay marka ay diyaaraduhu xumaadaan ama cillad ku timaad? Waxa aannu ku jawaabay in farsamayaqaano ama makaaniyo Soomaali ah oo Berbera joogay ay u samayn jireen! Hadda diyaaradahaba isla waqtigaas ayey soo baxeen. Waar bal dadkaas daawo!

Khawaaje (nin shisheeye ah) oo la odhan jiray Gerard Hanley oo isla waqtigaas joogay carriga Soomaalida ayaa isna mar dambe buug ka qoray xusuustiisii oo u bixiyey; (Strangers and Warriors) Khaladaadka iyo Dagaalyahanka, isna waxa uu qiray in ay Soomaalidu tahay; “Dad maskax badan oo geesiyaal ah oo aan waxba ka qalloon oo ka baqin oo markiiba baran kara, oo la qabsan kara nolosha iyo aqoonta cusub.”

Ninkaas la odhan jiray Gerard Hanley, waxa uu ku soo koobay warka xusuustiisaas; “When universities open their doors to the Somalis, they will surprise themselves and the world.” Oo macnaheedu noqonayso; “Marka Jaamacaduhu ay iridaha u furaan ardayda Soomaalida, waa ay ka yaabin doonaan dunida, iyana way iska yaabi doonaan guulaha ay ka gaadhaan.”

Hore ayaa loo yidhi; “Nin is-faanshay waa ri is nuugtay.” Hargeysa ma ku aragtay riyo qoorta caagad ama daasad loo geliyey? Waxa laga illaalinayaa inay is-nuugto. Soomaalida maxaa helay? Oo qolooyinkii ay ka faani jireen ee Washaysiga ay odhan jireen oo hubaysan oo AMISOM la yidhaahdo ayey u qayshadeen. Bal adba! Isla weynidii, maskax badnaantii, qurux badnaantii iyo saadadii maxaa ku dhacay oo ku guray xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

Tunka ka leefa dhiigga’iyo

Ilmadda idinka tiixays,

Oo haddaba ku tooga baxa,

Waa jannada talalaxdeedii eh

Abwaan Cali Jaamac Haabiil (AUN)

Sabab kale ha moodin, ee waxa keenay diidmadii aqoonta iyo waxbarashada iyo cilmiga sayniska ama ilbaxnimada.

Waa dhaawac ku yaal gobtii waxbarasho diida eh.

Konton sanno ayaa dal ku horumari karaa haddii la hiigsado aqoonta, waxbarashada cilmiga sayniska, tignoolajiyadda iyo afkaarta cusub.  Sannadkii 1990-kii ayaan boqosho ku tegay dalka South Korea (Koonfurta Kuuriya), waxa ay na geeyeen tuulo madxaf ah oo loogu nool yahay sidii ay waayadii hore u noolaan jiraan oo ah tuulo dalxiis ah; iyaga oo barbar-dhig ku samaynaya halka ay ka soo kaceen iyo halka ay hadda gaadheen.

Haddaba, dadkii madxafka u noqon lahaa noloshii hore ee Soomaalida ayaa maanta u talinaya Soomaalida oo aad maalin kasta arkayso iyagoo soo taagan shaashadaha tiifiiga (TV)-ga, iyaga oo wax kasta ka hadlaya (wax ay garanayaan iyo inta badan wax ayna garanaynba) oo cumaamad XALABI ah tuurta saaraya, oo leh; “Haddii aannu reer Qansax nahay saamigayadii ayaannu doonaynaa.” Cajab!!

Soddankii sanno ee (1960 ilaa 1990), miisaaniyadda Wasaaradda Waxbarashada ee Dowladdii Soomaaliyeed kama badnayn 3%, miisaaniyadda guud, halka sannadkii 1974 iyo 1975 ee uu marxuun Dr. Maxamed Xasan Aadan Gahayr  ahaa Wasiirka Waxbarashada ayey miisaaniyadeedu noqotay 13%. Bal dheeho Miisaaniyadda Waxbarashada ee Kenya hadda waa 30%, Ethiopia Miisaaniyadda Waxbarashadu waa 24% miisaaniyadda guud ee dalalkaas. Tolow! Shan-u-roon (Somaliland) hadda waa imisa Miisaniyadda Waxbarashadu? Bal maleeya! Waa 4% ayey ka noqonaysaa miisaaniyadda guud, haddii aan sannadkan la kordhin. Haye keyf qiyaasak? Xaggee lagu gaadhi awrkan caddaysimaha ah?

La kala dheeray oradse maaha

Hal-hayskii Waddaadkii Mu’adinka ka ahaa Masaajidka Ceelaayo

Waxa daraasad ay samaysay Hay’ad Khawaaje ihi ku sheegtay; in qoyska reer Somaliland dhakhligiisa inta u badan uu ku bixiyo waxbarashada ubadkiisa, taas ayaa keentay dugsiyada gaarka ah iyo jaamacaduhu ay dalka ka furmaan.  Ka sokow, intaa dibedda waxbarasho loogu dirayo ee kharashka laga bixinayo, mar haddii aanay hadda Wasaaraddii Waxbarashadu aanay awood u lahayn inay dugsiyo cusub furto ama ay tayayso kuwii dhisnaa ama macallinkii gunno ku filan ay siiso, ma jirto sabab loo joojiyo furtinaanka dugsiyo cusub oo gaar loo leeyahay, taasina xal maaha.

Haddaba, Wasaaradda Waxbarashadu ha dardar-geliso kormeeridda dugsiyada gaarka ah oo ha ula socoto oo kormeer joogta ah ha ku samayso, kadibna ha xidho dugsiga waxbarasho ee aan ka marayn ama aan shuruudaha buuxun, balse yaan la wada joojin. Yaan lagu gefin kuwa sannad kasta ugu horreeya imtixaannada Wasaaraddu qaado ee ha la kala saaro oo hab lagu kala saaro oo lagu kormeero ha loo sameeyo. Dalkan Somaliland xukuumaddi ma dhisin ee waxa dhisay dadkiisa oo weli dhisaya ee yaan la niyad-jebin dhallinyarada.

Aqoonyahan muddo dheer wax ka dhigi jiray Jaamacadda Addis Ababa oo wax badan ka qoray dalkaas Ethiopia, ayaa booqasho ku yimid dalka Somaliland sannadkii 1999-kii, qoraagaas oo asal ahaan ka soo jeeday dalka Giriiga oo la odhan jirayn John Markakis, isla markaana waxa uu ahaa aqoonyahannadii joogay Akaademiga Nabadda iyo Horomarka – Somaliland ayaa ku yidhi; “Waar maanta fursad ayaad haysataan qolooyinkiina wax bartay ee reer Somaliland oo waxa aad doontaad ku qaban kartaan oo ku bilaabi kartaan, wax shuruuc ah oo idinka hortaagani ma jirto ee ku dhaqaaqa”.

Xukuumaddii Madaxweyne Cigaal ee salka u dhigtay asaaska dowladnimada ka jirta Somaliland maanta, waxay ku dedaashay in fursad la siiyo dadka diyaarka u ah inay maalkooda iyo maskaxdooda ku horumariyaan dalka Somaliland, taas ayaa keentay: dugsiyada, jaamacadaha, cusbitaalada, shirkadaha telefoonnada, shirkadaha diyaaradaha, wershadaha nalka, shirkadaha waddooyinka, shirkadaha caymiska ee gaarka loo leeyahay inay ka dhismaan dalka, sida uu dhigayo dastuurku.

Xukuumadda Somaliland, hay’adaheeda iyo Wasaaradaha waxa laga rabaa uun shuruuc ama (Regulations) lagu dejinayo hab-dhaqanka shaqada, kadibna ay ku kormeeraan. Sannadkii horre ee 2017-kii waxa aan ka yaabay wareegto iyaduna ka soo baxday Wasaaradda Caafimaadka oo lagu joojisay furashada goobaha caafimaadka. Hadda waxa badan oo dalka ka jira qaar biyo ku rusheeya dadka bukaanka ah oo yidhaahda; “Jin baan ka saarayaa.’ Allahuma balaqtu.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.