Dharaaro Xussustood: Prof. Maxamed Siciid Gees – Qeybtii 22aad

Published on Mar 06 2014 // Warar

Picture4Hadmaa dooxii Herer dekado yeeshay

Oo Dunbuluq laga raacay doonyaha

Maxamuud Ismaaciil ( Qaasim)

11 Noofambar 1996, ayaan Dooni la odhan jiray Alxusayni oo uu lahaa nin aanu xigto nahay oo la yidhaahdo Jibriil Cali Fatax oo u soo jeedda magaalada Berbera ka soo raacay magaalada marsada ah ee Makha ee dalka Yaman. Ayaan-darro, Doonti waxay ku degtay Xeebaha Musawac ee dalka Eretria mar dambe.

Muddadaas ka dib mar uu Hargeysa Jibriil Cali Fatax igu soo siyaartay oo dalka uu Madaxweyne ka ahaa Daahir Rayaale Kaahin, Madaxwyne-ku-xigeenna uu ka ahaa Axmed Yusuf Yaasiin; ayuu Jibriil Cali Fatax iigu yidhi; “Waar labadan nin ee Madaxda idiin ah doontaas iga degtay ayaan ku qaaday, iyaga oo lo’ wata ilaa Makha ee ii gey.” Waxaan idhi; ‘Qoladani doonyaha ma taqaan oo wax ku siin maayeen ee iska dhoof.’

Safarka dhinaca baddu dhibaato iguma ahayn oo muddo toddoba sanno ah ayaan u kala gooshay Magaalooyinka Djibouti, Cadan, Makha, Laasqoray, Ceelaayo iyo Dubai. Waxa taas ii dheeraa aniga oo ka soo jeeda Qoys Ahulu-baxar ama Dad-badeed ah.

Sebankii hore magaalooyinka xeebahu dayr iyo irid weyn oo casarkii la xidho ayey lahaan jireen oo Dadka reer miyiga ah, waa laga saari jiray magaalada marka ay ganacsigooda dhammaystaan ee ay galabtii tahay, halka Dadka dhinaca badda ka soo gala waa loo oggolaa inay magaalada ku dhaxaan.

Dadka miyiga ka yimaadda ee caanaha, xoolaha iyo xaabada keena waxa loo yiqiin Washaysi oo la micno ah Savage, Dadka dhinaca badda ka yimaadda waxa la odhan jiray mustacrabi oo la micna ah Civilized. Erayadaasi waa Af-sawaaxili waxa lagu adeegsan jiray dhinaca Xeebaha Afrikada Bari iyo Soomaaliya.

Dhincan Somaliland magaalooyinka Saylac iyo Berbera ayaa lahaa dayrka ku wareegsan iyo irido loo xidho. Bashiir Xaaji Hasan Geellee oo aan isku fac ahayn saaxiibna ahayn, Wasiirrana aanu ka wada noqonay Dawladdii Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ayaa ii sheegay in isaga iyo Wasiirro kale oo ay isku beel yihiin Odayaal ka soo jeeda Beesha Bariga Berbera degta u geeyeen Madaxweyne Cigaal. Odayaashii waxay Marxuun Cigaal kula gar-naqsadeen inay ka qatan yihiin Maamulka Berbera, kadibna Marxuun Cigaal arrintii kaftan ayuu ku bilaabay oo waxa uu yidhi; “Waar buuraha dhaadheer ee Berbera ku gedaaman ma aragteen? Boqol sanno ayuu Ciise Muuse saarnaa, magaaladan Berberana Niman Sacad Muuse ah ayaa haystay oo xukumayey ee waxaad yeelaysaan boqolkiina sanno suga waad xukumi doontaan markiina’e.”

Khariidadda Badda Gacanka Cadmeed ama maabka lagu maro, dhinaca Somaliland waxa ku qoran silsilad buuralay ah oo lagu magcaabo Jebel Warsangli. Waqtigii Xukuumadda Askartu jirtay ee ay ku dooday jirtay inay aastay Qabyaadii ayaa waxa ka dhacday arrintaas sheeko xiiso leh, taas oo Dekadda Muqdishu uu ku dhegsanaa khariidad badeedda ama maabka badda xeebaha Somaliland oo uu ku muujisan yahay magacaasi, dabadeed ninkii haystay Dekedda waxa uu amar ku bixiyey in laga tirtiro magacaas maabkaas, kadibna waxa loo sheegay; “Haddii kan laga tirtiro, kuwa dunida oo dhan yaala maxaa laga yeelayaa?” Iyana waa sheeko la soo maray.

Waxa Reerkayagu ka mid ahaa Reerro Dad-badeed ah oo Berbera soo degay. Waxa xiise leh in Dadka Doonyaha leh ama Baxaarida saaran Doonyuhu ay ahaayeen sida qurba-joogta waqtigan oo Habluhu xiisayn jireen guurkooda. Waa tii ay dhacday Sheekadii jacaylka ee Cilmi Boodhare iyo Hodan iyo sugaantii ka dhalatay. Waxase la helmaamaa ninkii ay Hodan ka raacday Cilmi Boodhare oo ahaa Nin qurbo-jooga ama Reer Badeed oo la odhan jiray Maxamed Shabeelle, haddii aanay sidaasi dhicin suugaanta Cilmi ma jirteen.

Sidoo kale Abwaan Qaasim ayaa isna Gabadhii uu jeclaa uu kala baxay Nin Reer Badeed ah oo la odhan jiray Cadaysay. Waa tii Maxamuud Ismaaciiil (Qaasim) uu lahaa: “Habaar qabihii hagoognaa, ee huuriga watay,” hadmuu helay iyo erayada madaxa u ah qoraalkan isaga ah.

Intaas ka dib waxaan ka soo degay Magaaladaas caanka ah oo aabbahay ku dhashay ee awoowgaygii labaad ku aasan yahay iyo ehelad badani, dabadeedna waxan uga soo gudbay Hargeysa oo uu lahaa Hacoo Ninkii Reer Dacarbudhuq; “Nin aan hoy lahayn, habeense u dumay, Hargeysi maxay ku haysaa,” iyo markii lagu yidhi; “Hacoo xageebaad u hoyataa,” ee u yidhi; “Ninkii gama’aya sariir gogladee go’aygaan dhigtaa gidaarada.” Anigu go’ ma dhigan gidaarkee waxan ku degay Hotel Maaweel oo markaas ahaa First Class Hotel.

Waqtigaas Hargeysa waxa ka socday Shirweynihii Beelaha Somaliland, halkaas oo aan ka mid noqday guddi 15 xubnood ah oo loo xilsaaray isu-daridda laba nuqul oo ah Dastuurka Somaliland oo ay kala sameeyeen Guddi Golaha Wakiilladu u xilsaartay iyo nuqul uu sameeyey Khabiir Sharciyaqaan ah oo Suudani ah oo la yidhaahdo Dr. Khaliil.

Guddiga Isu-dubaridka Dastuurka Somaliland, waxa Guddoomiye u ahaa Sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Jawhar oo ka soo jeeda Reer Boorame, Guddomiye-ku-xigeenna waxa uu ahaa Maxamed Axmed Cabdulle (Sakhraan) oo Reer Sool, Xoghayaha Guddigana waxa uu ahaa Cabdiqaadir Xaaji Ismaaaciil (Jirde) war bal day Yaayuha Naaskii ayaa Dastuurka lagu heshiiyey madax ka ahaa.

Qolada Mucaaridku waxay u ololaynayeen in la sameeyo Axdi Qarameed oo la iska dhaafo Dastuurka, arrintaas oo ay mar ku guulaysteen inay Shirguddoonkii Guurtida ku qanciyaan oo deeto amar nalagu siiyey. Balse, Marxuun Cigaal ayaa arrintaas gaashaanka ku dhuftay oo ku adkaystay in Dalka Dastuur loo sameeyo. Arrintaas ayaa Guddigayagii ajiibay oo ku hawlgalay in nuqul qudha oo Dastuur u noqda Jamhuuriyadda Somaliland la soo saaro.

Waxyaalaha noogu adkaa waxa ka mid ahaa arrinta ilaa maanta arlada Soomaalidu degto ka taagan ee ah ma Xuquuq Muwaadin ayaa lagu saleeyaa Dastuurka sida dunida kale, mise Xuquuq Beeleed ayaa loogu saleeyaa Soomaalida? Mar kasta waxaad maqlaysaa Xuquuqdii Beeshayda ayaa maqan. Waar haddii Xuquuq Muwaadin la sheegay iyo xoriyaadkiisa, xaggee la geliyaa Xuquuqda Beesha. Arrintaas ayaa muran badan iyo waqti badan naga qaadatay.

Waxa kale iyana waqti iyo muran naga qaadatay arrin ilaa maanta taqagan oo ah xilka Madaxweyne-ku-xigeenka. Qolo Mucaaridka ku xidhnayd oo naga mid ahayd ayaa la yimid aragti ah in, “Madaxweyne-ku-xigeenka xil ha loo sameeyo oo Wasaaradaha qaar ha xukumo.” Qolada kale waxay lahayd, “Waar laba nin oo Soomaaliyeed xil kuma heshiinayaane aan ku koobno shaqadiisa inuu noqdo ku-sime iyo sidii taayir isbeer ah iyo hawshii loo igmado oo uu qabto.

Murankii ayaan maalin ku soo qaaday hadal laga hayo Madaxweyne Bushkii kowaad, ayaa muddo siddeed sanno ah Madxweyne-ku-xigeen u ahaa Madaxweyne Roland Reagan. Mar la weydiiyey xilkiisa waxa uu ku jawaabay jinaasado badan ayaan ka qaybgalay anoo matilaya Dawladda iyo Madaxweynaha Maraykan. Hadalkii ayaan ku soo koobay mid jinaasadaha taga ayeynu u baahan nahay.

Sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Jawhar oo murankii Cabdiraxmaan Aw Cali iyo Marxuun Cigaal xog-ogaal u ahaa ayaa arrintaas aad uga helay oo ku qoslay, dabadeed waxa la isku raacay in xilkiisu noqdo sida hadda Dastuurka ku soo baxday, inkasta oo aanay mabsuud ku ahayn Madaxweyne-ku-xigayaashu.

 

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!