Dhaqanno Iyo Dabeecadaha Ay Dadka Ruushka Ka Sheegeen Dadyowga Dunida Ee Booqashda Ruushka

0
1180

Mooko (Geeska)- “Ruushku waxa uu leeyahay hidde iyo taariikh xadaaradeed oo aad guun u ah, waxa aanu caan ku yahay cunto fiicni iyo dumarka kuwa dunida ugu quruxda badan ka mid ah” Sidaa waxaa lagu sheegay warbixin ay shabakadda wararka ee Anews oo Ruushka laga leeyahay ka diyaarisay aragtiyaha kala duwan ee dadka Ruushka tagaa ay ka bixiyaan dalkaas.

Sahamin ay shabakaddani ku soo ururisay aragtiyaha kala duwan ee dadka iyo dalka Ruushka lagu sameeyey oo uu Geeska Afrika Afsoomaali u rogay waxa kale oo ka mid ahaa:

– Qofka Ruushka ahi waxa uu awood u leeyahay in uu ku qoslo wax kasta, xitaa haddii uu yahay arrin argagax abuuraya ama dhacdo dilaa ah oo noloshiisa khatar gelinaysa, sida oo kale shucuurtooda farxadeed kuma dhimato wax la’aanta iyo faqiirnimada.

– Ruushk uwaxa ay ka mid yihiin dadka dunida ugu wax akhriska jecel. Baadhis uu sameeyey xarun cilmibaadhiseed oo lagu magacaab GFK ayaa in dadka Ruushku ay kaalinta labaad kaga jiraan liiska dadka dunida ugu akhriska badan, waxa aana ka horreeya oo keliya dadka shiinaha oo noqday kuwa dunida ugu wax akhriska badan.

Waxa ay xaruntu sheegtay in arrintan ay ka qiimaysay dhinaca dadka iibsada ama soo dejinta kutubta Internet ka ku jira, iyo sida ay dadka adduunku ugu kala badan yihiin baadhista iyo booqashada shabakadaha internet ka ee macluumaadka iyo xogaha cilmiga ah ama muhiimka ah faafiya. Dad badan ayaana aaminsan in Ruushku uu xitaa Shiinaha ka badan lahaa ee sababta looga batay ay tahay marka hore oo uu ka dad badan yahay. Dadka Shiinuhu sagaal jeer laab ayaa ay ka badan yihiin dadka Ruushka.

– Nimcada ugu weyn ee ay dadka Ruushku haystaan waa in waxbarashadoodu ay lacag la’aan tahay. Arrintaas oo ay kaga duwan yihiin dunida kale oo isugu jirta dalal ardaygu lacag la’aan aanu waxba baran karin, gaar ahaan waxbarashada sare, iyo dalal kuwa reer galbeedka u badan oo ay dawladdu sii ammaahinayso lacagta waxbarashada sare, laakiin marka uu shaqo bilaabo si joogto ah looga jarayo, waxa aanay taasi sababtaa in qofku ugu yarana saddex meelood meel noloshiisa ka mid ah ku qaato bixinta deymihii ay dawladdu kaga lahayd waxbarashada sare.

– Dadka Ruushku ma’aha dad sidaa u dhibirsan, sida oo kale waa lagaga wanaagsan yahay nidaamka iyo habaysnaanta hawlaha iyo naftaba.