Dhaqan Ka La Leexiyay Ee Abaalmarinta Masuulliyiinta, W.Q Mustafe Aden

Published on Apr 27 2014 // Columnists, Maqaalo

New-ImageIn la is qiimeeyo oo qof kasta wixii uu qabtay iyo waxaannu qaban ba lagu abaalliyo waa ummuur aadminimo, waa ummuur tilmaamaysa ilbaxnimo iyo in la garanayo ujeedada doorashooyin ka. Waa dhaqan muujinnaya in la ogyahay xaqa uu qof waliba leeyahay iyo xuquuqda isaga lagu leeyahay.  Is qiimayn tu waa laba arrimood oo isku lammaan: abaal marin darajayn iyo maamuus ah iyo mid ciqaab ah.

Madax du kolka la doorto xaq uma laha oo keliya abaalmarin ta darajaynta iyo maamuus ka, waxa kale oo xaq loogu leeyahay in la ciqaabo haddii ay ka soo bixi waayaan hawllihii ay dhaarta caddiim ka ah u mareen.  Ciqaab taasi waxay noqon in xil ka uu gudan kari waayay laga qaado, haddii uu danbbiyo kale oo maamul xumo ama musuq leh galayna sharci ga ka yaala arrimahaasi la mariyo.

Dhowaannahan, waxaa innagu soo badanaya dad waraaq ballaadhan oo ay fareen geliyeen la yaacaya, oo qof masuul ah uun gacan ta ka gelinnaya, sawirrana la gelaya.  Iyaga oo duudduub ugu tilmaamaya in uu ka soo baxay xilkiisii!.  Ugu yaraan xil ka kooban 100% qof na kama soo wada bixi karo dhab ahaan, haddaba dad ka dhaqankaa shahaadada lala yaacayo caadaystay waxaa u dheer gef kaasi, amaan aan xad lahayn oo aad mooddo in ay buug ka akhriyayaan, mid uu u qalmo masuul ku iyo mid aannu u qalmin ba dheggaha uga buuxinaya . Dad yowga abaal marinnaha jaadkan ah bixiyaa waxay ka kala yimaaddaan qurbaha iyo waddan ka gudihiisa ba. Inta qurbaha ka timaaddaa dhalliil gaar ah ayay ku leeyihiin arrintan.  Kol ka ay waddan ka ku noqdaan waxaa waajib ku ah in ay kula noqdaan wax dad iyo dal ba qiimo u leh, oo looga aayo. Iyaga oo ka tegay waddamo dimuqraadi ah, oo leh waayo-aragnimada maamul wanaagga, maxay waddan kii u geynnayaan amaan iyo waraaqo fareenno lagu qufullay oo keliya?

Waxaa habboon in la is wayddiiyo dhowrkan su’aalood: waa maxay abaalmarintu?, sidee la isku abaalmariyaa?, goorma ayay bannaan tahay in la is abaalmariyo?, yaa wax abaalmarin kara?, yaa la abaalmarin karaa? iwm. Dhammaan su’aalahaasi kolka laga wada jawaabo ayay abaal marintu macno yeelanaysaa. Balse, waraaqdan xardhan ee fareen ka la geliyay ka bixinnaya iyo ka la siinayo mid koodna qiimo kuma joogto. Ka la siinayaanna wuu is ogyahay, oo wuxuu leeyahay ‘waa maxay dad kan Illaahay kuu waalay’, ka bixinnayaana  jibbo ayuun buu ku soo daabacaye, macne kale kama hooseeyo. Haddii aad kuwa bixinnaya aad su’aal wayddiiso oo ku tidhaahdo intee baad wax qiimayseen?, kuu sheegi maayaan:  aad u wanaagsan, wanaagsan, meeldhexaad, aan fiicnnayn (excellent, good, average, poor).  Waxa kale oo muhiim ku ah qiimaynta masuulliyiinta in kolka hore ba la yaqaanno shaqadii masuulka loo dirtay (descriptions).  Kuwaa xaashida fareen ka la geliyay la wareegayaa, shaqada wasiir kaba ma yaqaannaan, wallay ka tahay!.  Xaggey qiimeeyeen, ma habmaamulka wasiirka, ma tayada xidhiidh ka shaqaallaha ka hoos-shaqeeya iyo isaga ka dhaxaysa, ma awooddiisa maamul, iwm.  Miyay jirtaa su’aalo la qaybiyay oo dadyow kala jaad ah la wayddiiyay oo dabadeed na jawaabihii su’aalahaasi la isku ururiyay, islamarkaasi wasiirkii ama ciddii la qiimaynayaynna lagu miisaamay? Qiimayn tu waxay caqli gal ku tahay in heerar kaasi ama qaar la mid ah ay marto.

Dhinac kale oo kooban haddii aan ka eegno, abaalmarintu waxay daba socotaa is-xisaabin. Haddii aan cidi ba ku xisaabin, miyaad ku hanweyntahay in marba toban qof oo qabyaallad iyo danno kale la jibbaysanni abaalmarin iyo amaan isku kaa raaciyaan? Haddaad sidaa ku hanweynnaato, gu’nna maad jirin!.

Maxaa faa’iido ku jirta is-xisaabin ta iyo is abaalmarin ta? Way wanaagsan tahay in qof lagu dhiirri geliyo hawsha uu ummada gacanta ugu hayo, waase in dad miyir qabaa dhiirri geliyaan!. Faa’iidooyin qeexan ayaa ku jira in la is-xisaabiyo iyo in la is abaalmariyo.  Waxaa ka mid ah faa’iidooyinkaasi:

      

In la yeesho meel loo socdo, HADAF

In la is dhiirri-geliyo, si loo joogteeyo horumarka

In lagu dhiirrado in la gaadho hadaf ka loo socdo

In tayada iyo tamar ta lagu gaadhi lahaa hadaf kaasi la sugo

In laga digtoonaado caqabad kasta oo aan la fillayn oo lagula kulmay intii hawsha lagu gudo jiray

Tartan ka dhex abuur ma shaqada, kaasi oo laga dhaxlo shaqo wanaag iyo sugnaan shaqo oo wakhtigeedii hirgelasha

Is jacayl dhex mara shaqada lafteeda iyo qof ka shaqaallaha ah

Iwm

Maanta oo dhan haddii la qoro faa’iidada ku  jirta is-xisaabinta iyo is-abaalinta ma dhammayn karno.  Iyada oo dan ta laga leeyahay ay ku xidhan tahay urur ka ama dawladda samaynnaysa iyo hadafyadeeda iyo  weliba sida ay u dejisato hawshan. Haddana guud ahaan ujeedada waxaa lagu tilmaami karaa in la is dhiirri geliyo, la oggaado wixii caqabad ah, islamarkaana hore loo socdo.

Is-qiimay tii ugu ballaadhnayd ee ay xukuummaddeenu samaysay waxay ahayd tii ay  qabatay horaantii October, 2012. Muddadaas oo ay xilka hayeen laba sanno oo keliya. Kolkii ay saddex dharaarrood wasiiradu meel ku xaraysnnaayeen  waxay soo saareen in ay 70% qabteen hawshii loo igmaday!!!.  Kolka aad arrintaasi xasuusato, ee aad eegto haddana shahaadooyin ka la is guddoon siinayo maalin walba, iyo durruufaha waddanka ka jira;  waxaad arkaysaa uun in aan xishood na jirin, Alle na laga baqannayn.

Gunaanad. Haddii adiga oo og cusbitaal ka Hargeysa ee 60ka mitir u jira madaxtooyada in loogu dhimanayo daawo iyo adeeg xumo, haddana adiga oo qoslaya maalin walba dar yaacayaa ay shahaado kuu keennaan, addiguna aad laabta gashato guulahaa si, miyaan Alle kaa dambayn?

 

 Shacab kayga, gaar ahaan intooda danyar ta ah ee aan ka tirsannahay waxaan odhan lahaa, waddan keenu wuu innagu fillan yahay, waannu innaga badan yahay, waase goorta aynu toosno. Dad ka dhergay ee shahaadooyin ka la yaacaya ee qurbaha kala ordaya macnodarrida, kuwa la laaluusho ee madaxtooyada ku soo toosaa Alle ha ka baqaan, oo dad kooda iyo dalkooda horumar kiisa iyo midnimadiisa haka shaqeeyaan, burbur ka macnawiyan ka ah iyo ka muuqda na haka daayaan danyarta.   

Waxa qoray Musfafe Aden, London UK

email: manmustafa@gmail.com

 

 

 
  12,12

 

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!