Dhaqaalaha Dalka Masar Ka Soo Gala Dhoofinta Masaska Iyo Raha Oo Kor U Kacay

0
1222

Qaahira (Geeska)- Dalka Masar ayaa shaaca ka qaaday in sannadkii hore ee 2016 uu dalkaas dakhli aan hore u soo geli jirin oo cashuur ah ka helay dhoofinta raha nool oo dibadda dalka loo qaado. Masar waxa ay sheegtay in dalkaasi uu dibadda u dhoofiyey Raha oo u qaybsanaa nooc dadku isticmaalayo iyo nooc siyaabo kale looga faa’idaysanayo.

Dhoofinta Raha nool oo sannadkii 2016 ka aad looga dareemay dalka Masar ayaa dhoofintiisu ay rasmi noqotay sannadkii 2017 ka kadib markii wasiirka beeraha iyo xoolaha ee dalkaas Mudane Cabdalmuncim Albanaa uu soo saaray wareegto sharci oo qodobkeeda koowaad fasaxayo ugaadhsiga iyo dhoofinta Raha nool ee aadamuhu isticmaalayo, iyo noocyo kale oo ka mid ah rahaas, wareegtada wasiirku waxa ay sheegtay in fasaxani uu shaqayn doono muddo laba sano ah oo ku eeg bisha Maarij ee sannadka 2019 ka, waxa se fasaxaas laga reebay bilaha Afaraad, Shanaad iyo Lixaad ee sannad kasta, maadaama oo uu dalkaas ka jiray sharci soo baxay sannadkii 1989 kii oo bilahan dadka u diidaya in ay raha ugaadhsadaan. Wareegtada sharci ee wasiir Albannaa ayaa qodobkeeda labaad uu dhigayaa in shirkad kasta oo ka shaqaynaysa dhoofinta Raha loo ogol yahay in ay dalka dibadda uga saarto 30 Ton oo keliya, intaas ka badanna uu mamnuuc yahay.

Hore ayaa uu dalka Masar u soo saaray sharci kale oo fasaxaya in dibadda dalka loo dhoofin karo guud ahaanba xayawaanka xammaaratada loo yaqaanno, waxa aana si gaar ah loo xusay masaska iyo diinbiyoodka.

Dhaqaalaha dalka ka soo galay cashuurta dhoofka xammaaratada ee sannadkii 2016 kuna waxa ay gaadhay 11 Milyan iyo 819 Kun oo lacagta dalka Masar ah.