Dhambaallo Uu Nebi Muxammed (Scw) U Kala Diray Boqorro Xilligiisii Meelo Kala Duwan Ka Talin Jiray (Q.4)

0
35

Maka (Geeska)- Waa qaybtii afaraad ee qormadii uu Geeska Afrika ku soo koobayey qaar ka mid ah dhambaalladii uu Nebi Muxammed (SCW) u kala diray boqorradii xilligiisii ka talinayey meelo kala duwan oo dunida ah, isaga oo ugu baaqaya diinta Islaamka:

Hiraqal magaciisa oo dhammaystirani waxa uu ahaa Falaafiyuus Ogostos Hiraqa; (Flavius Heraclius Augustus) waxa uu ahaa Imbaraadoor hoggaaminayey Imabaraadooriyaddii weynayd ee loo yaqaannay Byzantium (Bisantiyam), oo ahayd Giriig fadhigeeduna ahaa magaalada hadda Istanbul loo yaqaanno ee dalka Turkiga.

In kasta oo ay taariikhyahannadu ku murmaan halka uu isir ahaan ka soo jeeday Hiraqal haddana taariikhaha ugu badani waxa ay tilmaamayaan in uu ahaa Armaani ahaa, isla markaana ahaa ninka ay ka soo isirantay tafiirtii Hiraqlayaasha ee xukunka haysay tan iyo sannadkii 711 miilaadiga.

Marka dhinaca diinta laga hadlayo waxaa la sheegaa in Hiraqal uu si aad ah u fidiyey masiixiyadda, gaar ahaan in xooggii uu ku lahaa dhul badani sababay in ay diinta Kiristanka qaataan dadkii dhulkaas ee uu u talinayey oo ay ka mid ahaayeen Balkanska dalalka imika la isku yidhaahdo oo ay ku jiraan dalalka Masadooniya iyo Korowaatiya.

Hiraqal waxa uu ka mid ahaa madaxdii Nebi Muxammed (SCW) ay isku xilliyada noqdeen, ee uu Nebigu u diray dhambaallada.

Waxa kale oo ka mid ahaa boqorrada uu Nebigu waraaqahan u diray, boqorkii Beershiya (Furus), Boqorkii la odhan jiray Al-Mundir Bin Saawi oo xarunta daliskiisu ahayd dhulka hadda uu ku fadhiyo dalka Baxrayn, Alxaaris Al-Xumayri oo u talinayey Yemen, Hawdah Al-Xanafi oo Yamaamah haystay iyo boqorro kale oo badan.

Waxyaabaha xusidda mudan waxaa ka mid ah in Nebigu waraaqahan uu u diray Imbaraadoorrada iyo Amiirrada kala duwan, uu mid kasta magaciisa iyo xilkiisa oo sida rasmi ahaan loo yaqaanno ah sheegayey. Waxa kale oo xusid mudan in uu si aad u xikmadaysan ugu sheegayey in muhiimaddu aanay ahayn kursiga uu ku fadhiyo in lagu socdo, oo aanay cidi ugu imanayn talada iyo kursiga, balse keliya uu Nebigu ugu baaqayo in uu diinta Islaamka ee Alle u soo dhiibay rumeeyo. Waxa uu u sheegayey in haddii uu baaqaas qaato in isaga iyo Imbaraadooriyaddiisuba ay badbaadayaan.

Waxa kale oo uu uga digayey in haddii uu baaqaas Islaamka qaadan waayo uu Alle kala xisaabtamayo dembigiisa oo ah diidmada baaqa Alle iyo dembiga dadka uu hoggaamiyo oo dabcan diinta uu isagu u horseedi lahaa, laakiin diidmadiisu ka hor istaagayso.

Sida Taariikhda ku cad boqorkii beershiya ee Qaysar ama Kisraa, waa uu jeexjeexay warqaddii uu Nebigu u diray isaga oo ku andacoonaya in aanay suurtogal ahayn in addoon ka mid ah raciyaddiisu uu warqadda magaciisa hor qoro, ka boqorkana dambeysiyo, Nebiguna markii loo sheegay waxa uu ku habaaray, “Alle boqortooyadiisa ha jarjaro” waxa aanay taariikhdu qiraysaa in boqortooyadii Kisra si aad u fool xun ku dhammaatay.

Waraaqaha uu Nebi Muxamed u qoray boqorradaas kala duwan waxa ay badankoodu illaa maanta ku kaydsan yihiin Rug Kay doo ku taalla magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, halka nuskhado ka mid ah oo laga sameeyey kuwaa asalka ahaa ay ku kaydsan yihiin carwo ku taalla Madiina oo lagu magacaabo Carwada Rasuulkii Karaamada badnaa.