Dhambaallo Uu Nebi Muxammed (Scw) U Kala Diray Boqorro Xilligiisii Meelo Kala Duwan Ka Talin Jiray (Q.1)

0
758

Maka (Geeska)- Rasuulkeennii Muxammed (CSW) lama uu hadhin dadaal kasta oo uu diinta Alle u soo dhiibay ku faafin karayey, si ay u gaadho daafaha dunida, maadaama oo ay tahay diintii Alle dunida oo dhan ugua talogalay.

Hababka uu Nebi Muxammed (SCW) isticmaalay waxaa ka mid ahaa dhambaallo uu u diray hoggaamiyeyaasha dunidii ka baxsanayd Jasiiradda Carbeed ee uu ku noolaa, isaga oo ugu baaqaya in ay diinta Islaamka qaataan. Boqorradaas qaarkood waa ay iska dhego mariyeen sida Kisraa oo qisada dhambaalkan loo diray aynu xagga dambe ku yara dul hakan doonno, qaarkood waxa ay bilaabeen in ay ka fiirsadaan ama sugaan sida wax u dhacaan oo diidmo iyo ogolaanshiyo u dhexeeyaan.

Qormadan oo uu Geeska Afrika ilo kala duwan ka soo ururiyey waxa aynu si kooban ugu eegaynaa dhambaalladaas uu Nebi Muxammed (CSW) u diray boqorradii xilligiisii ka talinayey meelo dunida ka mid ah.

1.  Kisra

Kisra oo caan ku ahaa ‘Kisrihii Labaad’ maadaama oo uu hortii jiray boqorkii Kisra ee isaga awoowga u ahaa. Kisra waxa uu ahaa boqorkii dawladdii Saasaaniya ee ka talin jirtay dhulka Beershiya, oo ahayd dawlad aad u awood badnayd xilligaas, xadaarad guun ahna ka soo jeedday.

Kisra oo dadkii Beershiya ee dabcaabudka ahaa ay u arkaan in uu yahay ruux daahir ah, oo illaa heer Ilaahnimo gaadhsiisan, ayaa ay warqadi uga timid Nebi Muxammed (SCW) oo ka jooga Xijaas oo Kisra aanu u arkaynba in ay wax jira tahay.

Boqor heerkaas Ilaahnimo jooga oo warqadi uga timid nin iyo dhul aan agtiisa garab kaneeco la masaal ahayn, dareenka uu dareemayo ayaa Kisra galay, waxaa uba sii dheer oo cadho iyo madax xanuun ku riday warqadda soo gaadhay waxa uu Rasuulkii Alle (SCW) ugu baaqayaa in uu diinta Islaamka qaato.

Kisra waxaa warqaddan u keenay asxaabigii la odhan jiray Cabdallah Bin Xadaafah As-Sahmi ‘Abu Xudayfa’ oo ahaa dhambaal-sidaha Rasuulka, boqorro badanna gaadhsiiyey waraaqo ka yimid Nebiga.

Kisra warqaddii markii loo geeyey, intii aanu akhriyinba waxaa si aad ah uga cadhaysiiyey sababta uu Nebi Muxammed Warqaddan isagu isugu bilaabay, ee magaciisa Muxammed uga horreysiiyey magaca boqorka Kisra. Inta uu warqaddii jeex jeexay ayaa isaga oo aad isu madax marsan waxa uu yidhi, “Sidee ay ku dhici kartaa in addoon addoomahayga ka mid ahi uu qoraalkiisa ku bilaabaya magaciisa”

Markii Abu Xudayfa uu dib ugu soo noqday Rasuulka ee uu u sheegay waxa uu falay Kisra, ayaa uu nebigu habaar gacmaha kor u taagay, isaga oo Allihii ka baryaya in Kisra kibirkiisa uu jebiyo, “Ilaahay Kisra boqortooyadiisa burburi”

Kisra waxaa aakhirkii dilay wiilkiisii Qabaad (Kavadh)  boqortooyadiisii awoodda badnaydna waa ay burburtay oo waa kuwa muslimiintu qabsaday dhul badan oo ay boqortooyadii Kisra ka talinaysay.

Warqaddaas uu Nebi Muxammed (SCW) u qoray Kisra oo uu Geeska Afrika Afsoomaali u rogay waxa ay u qornayd sidan, “Ka timid Muxammed, Rasuulka Alle.. Ku socota Kisra, boqorka Furus (Beershiya): Alle ha badbaadiyo ciddii hannuunka raacda, ee rumaysa Ilaahay iyo Rasuulkiisa, qirtana in aanu jirin ilaah xaq lagu caabudo oo aan ahayn Allaha keliya ee aanay cid kale la wadaagin cibaadadaas. Iyo in uu Muxamed yahay addoonkii iyo rasuulkii Alle.

Waxa aan kuug baaqayaa baaqa Alle.. Anigu waxa aan ahay ergey Alle u soo diray dhammaan basharka, si uu ugu digo ciddii nool. Xaqana ugu xujeeyo gaalada… Muslim aad badbaaddid ee, haddii aad diido, waxa aad ogaataa in dembiga dabcaabud oo dhami dushaada saaran yahay”