Dhambaalka Hambalyada Ciidda Ee Xisbiyada Qaranka

0
593

Hargeysa(Geeska)-Madaxda xisbiyada qaranka ee UCID, Waddani iyo KULMIYE, ayaa dhambaalo hambalyo ah u diray shacabka Somaliland oo ay ku bogaadiyeen munaasibadda Ciidal fidriga ee maanta bilowga ah. Sidoo kale waxay bogaadin u direen guud ahaan shucuubta Islaamka.

1

Guddoomiyaha iyo murashaxa KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhambaal uu soo saaray wuxuu shacabka ku bogaadiyay munaasibadda ciidda, waxaanu Alle uga baryay dambi dhaaf iyo inay ciiddan ciideeda ku gaadhaan barwaaqo iyo horumar.

Guddoomiyaha golaha wakiilada ahna guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa wuxuu isna shacabka Somaliland ku hambalyeeyay munaasibadda ciidda, isagoo Alle u weydiiyay inuu ka aqbalo cibaadadii bisha Ramadaan, waxaanu u rajeeyay wanaag iyo barwaaqo sannadka sannadkiisa ah.

Hoggaamiyaha UCID Faysal Cali Waraabe, wuxuu dhinaciisa shacabka ku bogaadiyay bilowga munaasibadda Ciidda, isagoo Alle ka baryay inuu sannadka sannadkiisa ku gaadhsiiyo barwaaqo iyo nabadgeliyo.